Amiirka Al-Shabaab oo "eryay saraakiil dalbaday joojinta beegsiga rayidka"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ayaa shaacisay in hoggaamiyaha Al-Shabaab uu xilka ka qaadey laba kamid ah saraakiisha sar-sare ee ururkaas.

NISA ayaa saraakiisha uu Axmed Diiriye eryay waxay ku kala sheegtay Mahad Karataay iyo Bashiir Qoorgaab.

Sababta jagooyinka looga xayuubiyey, sidda ku xusan qoraalka NISA, waa in ay dalbadeen joojinta beegsiga dadka shacabka ah.

Sidda ku cad bayaanka Hay'adda Mukhaabaraadka Soomaaliya, sidoo kale Mahad iyo Bashiir waxaa laga saarey Golaha Fulinta xoogaga gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida.

"Axmed Diiriye, Horjoogaha Argagixisada AS ayaa ka saaray Mahad Karataay & Bashir Qorgaab golaha fulinta xarakada, kana xayuubiyay dhamaan xilalkii ay kahayeen Xarakada, kadib markii ay ka dalbadeen Horjoogaha AS, joojinta qaraxyada joogtada ah ee lagu beegsado shacabka Muqdisho," ayaa lagu soo qoray bogga Twitter-ka ee NISA.

Dhanka kale, maleeyshiyaadka Al-Shabaab wali kama jawaabin sheegashadda hay'adda sirdoonka Soomaaliya.

Bishii December, 2019, Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay qiratay shacab ku dhamaadey qarax is-miidaamin oo ay ka fulisay isgoyska Ex-kontarool Afgooye, kaasoo dilay ku dhowaad 100 rayid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM