Amiirka Qadar oo la kulmay Wasiirka difaaca Somalia [Maxay kawada hadleen?]

Image

DOHA - Wasiirka Gaashaandhiga Somalia oo booqasho ku jooga dalka Qadar ayaa la kulmay Amiirka wadankaasi, Tamim bin Hamad Al Thani, kaasi oo ay wadahadal diirada lagu saarey arrimo badan.

Xasan Cali Maxamed [Amar Dambe], wasiirka difaaca xukuumada Federaalka ah, ayaa waxaa kulanka ku wehliyay saraakiil ciidan, kuwaasi oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee ciidamada xooga.

Sida laga soo xigtay illo ku dhow labada dowladood, kulanka ayaa lagu lafaguray sidii ay uxoojin lahaayeen cilaaqaadka dhanka ciidanka, kaasi oo sii xoogeystay markii xumaaday xiriirka Somalia iyo Imaaraadka.

Qadar oo ay saareen cunaqabeyn dhanka bariga iyo cirka dowlado ay hor-kacayaan Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa lagu eedeeyay inay taageerto kooxaha argagaxisada ah, taasoo ay beenisay.

Xukuumada Muqdisho oo ka qaadatay go’aan dhex-dhaxaad ah xiisadaha dowladahaan ayaa siyaasiyiinta gudaha waxay ku dhaliileen inay ka leexatay mowqifkeeda, ayna la safatay Dooxa.

Xiriirka DFS iyo Abu Dubai ayaa xumaaday markii ciidamada amniga wadankaan ku yaala Geeska Afrika ay bishii April 2018 madaarka diyaaradaha Muqdisho ku qabteen 9-milyan oo dollar, taasoo mushaar ahaan loogu waday ciidamada milatariga.

Imaaraadka oo door wayn ku leh dib-u-dhiska hay’addaha dowlada dalka ayaa sababtaasi darteeda ujoojiyay kaalamadii uu siin-jiray ciidamada, isaga oo wadanka kala baxay tababarayaashii Saldhiga Jenaraal Gordan ee Muqdisho.

Tan iyo markii ay go’aankaasi qaadatay xukuumada Abu Dubai, dowlada Farmaajo ayaa xusul-duub waxay ugashay sidii ay heli lahayd dal ubuuxiya booska uu baneeyay Imaaraadka, taasoo ay muuqato inay Qadar gashay.

Isla maalmo kadib, dowladda waxay ku dhawaaqday inay la wareegto xerada ciidan oo ku taala Isgoyska Tarbuunka ee degmada Hodan, kahor inta in aysan bilaliqaysan ciidamo uu Imaaraadku tababaray, kuwaasi oo la kulmay.

Safaro kala duwan ayay madaxda ugu sareysa dalka ku tageen wadanka Qadar tan iyo xilligaas, iyada oo arrimaha ugu badan oo ay isla soo qaadeen hogaamiyaasha dalalkaan ay ahayd taageero dhanka ciidamada.

Socdaalkii ugu dambeeyay, bishii December 2018, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa u ambabaxay Qadar, iyada oo uu Mooshin xilka qaadis uu ka yaallo Madaxwayne Farmaajo, isaga oo dhigiisa wadankaasi lasoo galay heshiis quseeya arrimaha ciidamada.

Todobaadkii hore, Qadar ayaa dekadda Muqdisho kasoo dejisay 60-dan xabo oo gaadiidka gaashaaman ee dagaalka, taasoo ay ugu yaboohday ciidamada milatariga, taasoo horudhac u ah balanqaad ay Doha sameysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo shaaciyay xilliga uu shidaal qadista ka bilaabayo Soomaaliya

Bishii March, Muqdisho iyo Ankara ayaa kala saxiixday heshiis la xariira dhinaca Shidaalka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee dhinaca Gaaska.

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 05:03AM

Dowladda Soomaaliya oo diidey soojeedin ka timid wadamadda G7

Dalabkan ayaa ahaa in uu wadaxaajood dhexmaro Muqdisho iyo Addis Ababa si loo qaboojiyo xiisadda taagan.

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 04:40AM