AMISOM oo ciidamdeeda kala baxeysa dalka Somalia sanadka 2018

Image

Stuttgart- Mareykanka iyo Midowga Africa ayaa isku waafaqay inuu soo dhawaaday waqtigii Soomaaliya ay la wareegi laheyd mas,uuliyaddeeda dhinaca amaanka.

Taliyaha ciidanka Mareykanka ee jooga magaalada Stuttgart ee dalka Jarmalka General Thomas Waldhauser, iyo taliyaha ciidanka Mareykanka ee Africa ee loo soo gaabiyo AFRICOM, ayaa si wada jir ah u sheegay in ku dhawaaqistii Mareykanka uu dhawaan ku dhawaaqay inuu Soomaaliya u dirayo ilaa iyo 40 askari aysan micnaheedu aheyn isbadal dhinaca istaraatiijiyada ah.

Waxaysa sheegeen in Mareykanka uu ciyaari doono door caawineed oo ah in ay ka taageeri doonaan ciidanka Soomaaliya dhinacyada tababarka.

Genereal Thomas Waldhauser ayaa sheegay in hadafkooda tababarida ciidanka Soomaaliya uu yahay in la helo ciidan Soomaaliyeed oo diyaar u ah inay la wareegaan aminga marka la gaaro sanadka 2020-ama 2021-ga markaas oo la filayo in dalka ay ka dhacaan doorashooyinka madaxtinimada.

Dhinaca kale. Ambassador Francisco Madeira,oo ah madaxa qeybta rayidka ee howlgalka AMISOM, ayaa sheegay in ay bilaabayaan in ciidamadooda ay kala baxaan Soomaaliya marka la gaaro sanadka 2018. 

Soomaaliya iyo dalalka ay saaxibadda yihiin ayaa hadda ka shaqeynaya sidi ay u tababari lahaayeen ciidamo gaaraya 28,000 oo askari oo loo diyaarinayo inay la wareegaan amniga dalka.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ku tiirsan ciidamo ka socda Midowga Africa oo gaaraya 22 kun oo askari.

Ciidankaas ayaa ilaaliya madaxda dowlada iyo ilaha ugu muhiimsan dhaqaalaha dalka sida qaar ka mid ah dekdaha iyo garoomada diyaaradaha.

VOA

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM