AMISOM oo duqeymo ka gaystay Jubbada Hoose

Image

October 11, 2014 (GO)- Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah hawlgalka AMISOM ayaa saakay duqeyay deegano u dhow gobolka Jubbada dhexe gaar ahaan degmada Jilib.

Diyaradaha qumaatiga u kaca ee dowlada Kenya ayaa bartilmaamed saday saldhigyo iyo gaadiid ay lahaayeen kooxda Al-Shabaab sida dad ku sugan deeganka ay GO u sheegeen.

Lama xaqiijin ilaa iyo hadda qasaaraha ka dhashay duqeymaha inta uu la egyahay hase ahaatee waxaa lag sugayaa saraakisha ciidamada AMISOM qeybta sector 2 ee ka hawlgala Jubbooyinka in ay xaqiijiyaan qasaaraha ka dhashay.

Tan iyo markii uu bilowday hawlgalka Al-Shabaab looga xoreynayo deeganada ay kaga sugan yihiin Jubbooyinka  ayaa waxaa socday bartilmaameed xaga cirka ah oo ay qaadayaan diyaaradaha Kenya.

Masuuliyiinta mamulka Jubbaland ayaa sheegay inay ka go'an tahay sidii Jubbooyinka iyo Gado looga xorayn lahaa kooxda Al-Shabab oo wali gobaladaasi ku harsan.

Hawlgalada ka socda Jubbooyinka ayaa galay asbuucyo ayadoo deegano dhowr ah lagala wareegay xoogaga Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Booqasho ay ku Tilmaantay Sharci-darro Cambaareysay

Warsaxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya soo saartay Talaadadii…

  • Soomaliya

    06-01-2026

  • 09:52PM

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo Heshiis ka Gaarey Khilaafkooda Shakhsiyeed

Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii loo yareyn lahaa xiisadda siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-01-2026

  • 08:02AM