AMISOM oo ka baxday qeybo ka mid ah Shabeellada hoose

Image

05 September, 2015(GO)-Ciidama AMISOM ayaa isaga baxay qeybo ka mid ah gobolka Shabeellada hoose sababo aan wali la shaacin.

Degmada Kuntu-waarey iyo deegaanka Ceel Saliindi oo ay faarujiyeen AMISOM waxaa dib u qabsadey ururka Al-shabaab oo boqolaal dadweynaha ah kula hadlay fagaarayaal iyagoo sheegaya inay sii wadayaan dagaalka ay ku hayaa ciidamada Midowga Afrika.

Ilaa hadda mar jirto wax war ah oo ka soo baxay DFS iyo taliska ciidamada AMISOM oo  la xiriirta sababaha ciidamadani uga baxeen goobahaasi.

Degmada Kuntu-waarey ayaa ka mid aheyd degmooyinkii sanadkii hore  soo galay gacanta ciidamada dowladda oo garabsanaya AMISOM, waxaan bixitaankoodu ku soo beegmaysa xilli ay jiraan weeraro Al-shabaab ay la beegsanayaan Saldhigyada ciidama AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo aqbalay ka-qaybgalka madasha wadahadalka qaran ee Muqdisho

Khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dastuur oo sii xoogeysanaya, kana taagan dhismaha dowladnimada iyo hab-maamulka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 12:16PM

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM