AMISOM oo ka digtay in dalal kala duwan ay tababar siiyaan Ciidanka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Iyadoo lagu waday in sanadka 2020 ay dalka isaga baxaan ciidamada AMISOM, ayaa waxay sii wadaan saraakiisha howlgalka Midowga Afrika dhaliilo u jeedinayaan ciidanka qaranka Soomaaliya, oo ay sheegeen inaysan diyaar ahayn la wareegista mas'uuliyadda amniga dalka.

Taliyaha ciidanka Kenya ee Howlgalka AMISOM, Gaashaanle Sare Tai Gituai, ayaa sheegay in wax-yaaqabaha caqada ku ah ciidanka Soomaalida ay kamid tahay inay qaataan tababaro kala duwan oo ay siiyaan dalal kala duwan.

Dalalka Ciidamada Soomaaliya tababarka siiya waxaa kamid ah Mareykanka, Turkiga, Uganda, Eithiopia iyo Imaaraadka oo dhawaan joojiyay markii uu xumaaday xiriirka ay lahaayeen Dowladda Federaalka. 

Wuxuu sheegay in inta ay tani jirto aysan isku toosi doonin ciidamada Soomaalida, isagoona ku baaqay in tababar mid ah la siiyo ciidanka xooga Soomaaliya, taasoo uu ku sheegay inay tahay wada kaliya ee lagu heli karo ciidan Soomaaliyeed.

Gaashaanle Sare Tai Gituai, ayaa wuxuu cadeeyay in ka  iyaga ahaan ay diyaar uyihiin in amaanka guud ee Soomaaliya ay ku wareejiyaan ciidanka xooga Soomaaliyeed, balse ay muhiim ah tahay in la helo ciidamo masuuliyadaas qaadi kara.

“Ciidamada Soomaalida waxaa tababaro kala duwan siiya dalal kala duwan kuwaasoo dalka ku sugan, waxayna qaataan caqiidooyin kala duwan, marka taasi ma sahleyso in la helo Askar mid ah, oo ay Soomaali leedahay,” ayuu usheegay Tai Gituai, wargeyska Daily Nation.

Ciidanka xooga Soomaaliyeed waxaa tababaro siiya dalal ay kamid yihiin, Mareykanka, Turkiga iyo dalalka qeybta ka ah Howlgalka AMISOM, waxaana la sheegayaa in guuto walba oo ay tabaabraan ay ka duwan mida uu soo saaro tan kale.

“Kuwa lagu soo tababaro Baydhabo, waxaa la gayn doonaa Kismaayo ama meel kale, sidaas darteeda waa inay noqdaan kuwa qaata hal tababar iyo caqiido,” ayuu hadalkiisa kusoo koobay Taliyaha ciidanka Kenya ee Howlgalka AMISOM, Gaashaanle Sare Tai Gituai.

Ciidanka Kenya ee loo yaqaan KDF ayaa waxay soo galeen Soomaaliya Oktoobar 2015, waana Shan sano kadib markii ay ciidamada Burundi iyo kuwa Yugandha ay ciidamadooda usoo direen Magalaalada Muqdisho, iyagoo magaca AMISOM ku shaqeynaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM