AMISOM oo ka hadashay Khilaafka DFS iyo Maamul Goboleedyada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamul gobooleeyadda qaar ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay mas'uul sare oo ka tirsan howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM].

Khilaafka oo salka ku haya go’aanka ay xukuumada Muqdisho ka qaadatay xiisada dalalka Khaliijka, kaasoo ay sheegtay inay dhax-dhaxaad ka tahay sanadkii tagey, inkastoo maamulada qaar ay ku eedeeyeen inay dhinac xigsatay, oo u weecatay Qadar.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa si cad ugu sheegay saxaafada in dowladda federaalka ay la safatay Qadar, sidaas darteeda ay iyagana taageersan yihiin Imaaraadka Carabta.

Simon Mulongo, oo ah ku xigeenka wakiilka midowga afrika u qaabilsan Soomaaliya, ayaa difaacay dowlada Soomaaliya, isagoo sheegay in madaxda maamulada ay ku qaldan yihiin inay dhinac kala saftaan xiisada khaliijka. 

“Imaaraadka wuxuu tababaro siinayey ciidamadda Soomaaliya tan iyo 2014-tii, laakiin dowlada Soomaaliya waxay u jartay xiriirkii iskaashiga militeriga kadib murankaan, taasoo aan u wanaagsaneen dib u dhiska ciidamada qaranka,” ayuu yiri Simon.

“Hadda ciidamada Soomaaliya tababaraan Turkiga, Mareykanka iyo Ingiriiska, kuwaasoo soo saaray 800 askari, iyadoo loo baahan yahay 50,000 oo askar si ay AMISOM ugala wareegay mas'uuliyadda amniga dalka,” ayuu hadalkiisa raaciyay Simon.

Hadalka Simon ayaa wuxuu ka dhigan yahay in AMISOM ay dowlada Soomaaliya la safatay marka ay timaado khilaafka kala dhaxeeya maamulada dalka, taasoo shaki ku buuri karta hogaamiyaasha dowlad goboleedyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay madaxda maamulada xilli ay xiisad jirto

Casuumaadan ayaa imaanaysa saacado kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in maamulada soo saarayaan bayaan wadajir ah.

  • Soomaliya

    17-04-2024

  • 04:28AM

Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha Soomaaliya oo xilka la wareegay

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Salah Jama ayaa goobjoog ahaa munaasabadan.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 12:07PM