AMISOM oo ka warbixisay khasaaraha shilka diyaaradeed ee Dhoobley

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa xaqiijiyey in ay shil ku gashay garoonka magaaladda Dhoobley diyaarad nooca xamuulka ah oo sahay u wadday ciidanka dalka Kenya.

Charles Imbiakha, afhayeenka AMISOM oo tilmaamay in diyaaradu soo dhacdey xilli ay dooneysay in ay ka duushay madaarka, ayaa qiray dhaawacyo, isagoo meesha ka saarey in ay jirto wax dhimasho ah.

Sidda laga soo xigtay Imbiakha, illaa iyo haatan lama ogga sababta keentay dhicitaanka diyaaraddaan ay saarnaayeen 10 askari oo ay ku jiraan duuliyeyaasha oo kamid ah dadka ay waxyeeladdu soo gaartey.

"Koox ka tirsan ciidamadda difaaca Kenya oo soo gaarey garoonka ayaa isku dayey in ay ogaadaan sababta keentay shilka," ayuu khadka telefoonka ugu sheegay wariyaha Garowe Online ee magaalda Muqdisho.

Diyaaradda burburtay oo uu lahaa milatariga Kenya ayaa ka timid Nairobi, waxaana ay Dhoobley keentay waraaqado.

"Dhaawacyadda waxay ahaayeen kuwa sahlan waana la daaweeyay," ayuu raaciyey, isagoo beeninaya in ay xaaladoodu cusleyd.

Goobjoogeyaal ayaa tibaxay in diyaaradda ay shilka gashay xilli ay dooneysay in ay kacdo kuna laabato caasimada Kenya ee Nairobi.

Mas'uuliyiinta Jubbaland ee Dhoobley oo fahfaahin kooban bixiyey ayaa carabka ku dhuftay in ay ka dhowr-sugayaan baaritaanka.

Dhanka kale, dowladda federaalka Soomaaliya ayaan wali ka hadlin dhacdadaan. Xiriiro uu la sameeyay Garowe Online lama jawaabin.

Afartii bilood ee lasoo dhaafay, gudaha Soomaaliya waxaa shil ku galay shan diyaaradood oo laga leeyahay Kenya marka lagu daro tan xalay ku burburtay Dhoobley. Natiijada baaritaanada ayaanan lasoo bandhigin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM