​AMISOM oo Lix ruux ku dishay Shabeellaha hoose

Image

QORYOOLEY, Somalia- Lix qof oo shacab ah ayaa ku dhimatay Madfac ciidamada AMISOM ay ku dhufteen Gaari Xamuul ah, oo marayay duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamo katirsan AMISOM ayaa la sheegay in qoriga loo yaqaano Baasuukaha  (RPG)  ay ku tuureen Gaariga, oo marayay deegaanka Xero 2-aad, oo 5KM dhanka Galbeed uga beegan degmada Habeenkii xalay abaare 8:30 p.m.

Mid kamid ah Elalada dadka ku dhintay weerarka, ayaa GO u sheegay in  Gaari oo ahaa nooca HOMY-da la weeraray xilli  uu Qudaar uu kasoo qaaday deegaanka Farxaane, kuna sii jeeday magaalada Baydhobo.

"Waxay ahayd arin aan aad uga naxnay, waayo dadka la dilay shacab masaakiin ah oo Ganacsato Qudaarlay ah ayay ahaayeen, waxaana loo dilay si arxan darro ah, oo aan bini'aadanimada ku jirin," Ayuu yiri Nin Walaalkiisa ku waayay weerarka.

Dadka ay AMISOM dishay ayaa kala ahaa 5 Rag ah iyo qof dumar ah, kuwaasi oo u kiraysnaa Gaari.

AMISOM kama aysan hadlin Dilka ay Shacabka ugu geesteen.

Dhacdadan ayaa ah middii ugu dambaysay falal xanuun badan oo shacabka kala kulmayaan ciidamada Midowga Africa ee ku howlgala magaca AMISOM, oo mandate-koodu yahay inay la dagaalaan Al Shabaab.

Todobaadkii tagey, Gaari ay Nooca gaashaaman ah, oo ay leeyahiin AMISOM ayaa Haweenay ku dilay Isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdishu, iyadoo ficilkaas ay aad uga argagaxeen shacabka Somaliyeed.

AMISOM ayaa War-Saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay baarayso dilka Haweenayda ku dhimatay Shilka Gaari ee ka dhacay Isgoyska KM-4, ee Muqdishu.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka Somalia, taasoo inta badan aan wax tallaabo ah ka qaadin dilalka loo gaysanayo muwaadiniinta dalka ee aan waxba galabsan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM