Amnesty: Waa in si degdeg ah maxkamad loosoo taago wasiir Janan

Image

NAIROBI, Kenya - Amnesty International ayaa warbixin kasoo saartay xariga Wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, kaasi oo laga qabtay madaarka Aadan Cadda, Sabtidii.

Booliska Soomaaliya oo sheegay in ay su'aallo waydiinayan Janan ayaa shaaciyey in loo haysto "dambiyo cul-culus" wallow aysan soo bandhigin, haddana xukuumadda waxay ku tilmaamtay "dilal qorsheysan".

Ku xigeenka agaasimaha hay’addan u qaabilsan Geeska Afrika, ayaa shaaciyey in Janan uu "mas’uul ka yahay dambiyo caalami ah, xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo carqaladeynta gargaar bini'aadminimo".

"Xariga Cabdirashiid Janan waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday la xisaabtanka shaqsiyaadka sameeyay xad-gudubyadda bini'aadanimo inta ay xukunka ka hayeen Soomaaliya," ayay laga soo xigtay Seif Magango.

Qaramada Midoobay iyo Monitoring Group ayaa intii u dhaxeysay 2014-kii iyo 2015-tii waxay ku eedeysay wasiirkan "dilal, jirdil, xarig sharci darro ah iyo tarxiil baalmarsan qaanuunka waddanka".

"Mas'uuliyiinta waa waajib in ay si degdeg ah ugu soo taagaan maxkamad madani ah si uu u wajaho maxkamadeyn sida ay xeerinayaa xeerarka maxkamadaha cadaalada caalamiga ah," ayuu ku daray.

Mr Janan oo ka yimid Doolow ee gobolka Gedo, halkaasi oo uu kula soo kulmay saraakiil Itoobiyaan ah ayaa wuxuu kusii jeeday magaaladda Addis Ababa, caasimadda waddanka Itoobiya.

"Baaritaanka iyo maxkamadeynta Cabdirashiid Janan waa in ay xaqiijinayaa cadaalad ay helaan dhibaneyaasha lagula kacay xadgudubka bini'aadanimo iyo qoysaskooda ku nool Soomaaliya," ayuu xusay.

Maamulka Jubbaland oo Axadii war-saxaafadeed kasoo saarey xariga Janan ayaa ku tilmaamay "afduub hareermarsan dastuurka iyo sharciga dalka", waxayna codsadeen in xorriyadiisa loosoo celiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM