Amnesty International oo warbixin kasoo saartey xaalada Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Hay'adda caalamiga ah ee Amnesty ee u dooda xuquuqda aadanaha ayaa warbixin dheer ay soo saartay waxay kaga hadashay xaaladda waddamo ay kamid tahay Soomaaliya.

Warbixinta ayaa diiradda lagu saarey colaadaha hubeysan, xorriyadda hadalka, tacadiyadda jinsiga iyo barakacyaasha gudaha.

Intii u dhaxeysay 2018-19 ayay sheegtay in ay sareysay xiisadaha siyaasadeed. Dowlada, maamulada iyo beesha caalamka ayay xustey in ay diirada saareen dagaalka Al-Shabaab iyo doorashooyinka.

Doorashooyinka qaarkood ayay tibaaxdey in ay hareeyeen loolan siyaasadeed, eedeymo ku shubasho iyo mas'uuliyiinta oo wiiqa xorriyada hadalka iyo baarlamaanka, iyaddoo la adeegsaneyo awood.

Awoodda dhax-dhaafka ah ee la adeegsadey ayay daboolka ka qaadey in ay dhalisay waxyeeleynta dadka shacab ah.

Colaadaha hubeysan ee wali socda ayay hay'addu tilmaamtay in ay khasaaraha ugu badan gaarsiiyaan rayidka.

Wallow aysan kala caddeyn heer federaal iyo mid dowlad goboleed, Amnesty ayaa qeexday in mas'uuliyiin ay beegsadeen xubnaha mucaaradka iyo wariyeyaasha, iyaddoo la adeegsanayo awood.

Talaabadaas ayay hoosta ka xariiqdey in ay meel ka dhac ku tahay xorriyadda hadalka. Awooaha xad-dhaafka ah ee la adeegsaday ayay qirtay in ay waqtiyada qaar sababto dhimasho.

"Al-Shabaab ayaa sidoo kale xadiday awooda ay wariyeyaasha ku shaqeeyaan. Tacadiyada Jinsiga ee ka dhanka ah dumarka iyo gabdhaha ayaa aad u baahay," ayay ku nuux-nuux satay.

Xoogagan gacansaarka la leh ayay caddeysay in weerarada ay ka fuliyaan dalka gaar ahaan Muqdisho ay ku dhintaan dad rayid ah.

Taliska Mareykanka ee Afrika iyo howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ayay ku adkeysatay in ay ku lug-yeesheen khasaaraha dadka shacabka ah kasoo gaara colaadaha hubeysan ee Soomaaliya.

Howlgalka AFRICOM ayaa 2018-kii xaqiijiyey in shacab ku geeriyoodeen duqeyn ay ka fulisay Shabeellaha Hoose. Balse, AMISOM wali ka jawaabin eedeymaha.

Wallow madaxweyne Farmaajo uu saxiixay Axdiga Badbaadinta Qaxootiga, warbixinta ayaa xustay in 300-kun ay ku barakaceen colaad, abaaro iyo daadad. In ka badan 2.6 milyan ayaa ku jira halis.

Warbixinta ay soo saartay Amnesty waxay kusoo hagaagtey xili waddanka uu la daalaadhacayo ka hortagga faafitaanka Coronavirus, kaas oo sideed kiis laga xaqiijiyey Muqdisho, oo sadex ay ajnabi yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM