Aqalka Sare oo go'aan kasoo saarey Khilaafka DF iyo Maamul Goboleedyada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudiga Gollaha Aqalka Sare ee dhex dhexaadinta khilaaf siyaasadeedka Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyadda ayaa maanta oo Talaado ah soo saarey go'aan cusub.

Shir Jaraa'id oo xubnaha Guddiga Gaarka ah ee Aqalka Sare uu ku qabtey xarunta Gollaha ayaa waxay ku fahfaahiyeen howsha xal-u-helidda khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Senator Cabdiaraxmaan Farole, oo ah gudoomiyaha Guddiga ayaa Saxaafadda u akhriyay warbixinta ay kasoo saareen khilaafka labada dhinac, kaasoo Aqalka Sare ka shaqeynayay xalkiisa mudo billooyin ah.

Go'aankan ayaa lagu saleeyay xog-uruurintii wufuudii Aqalka Sare kasoo sameeyeen maamul goboleedyada, taasoo xambaarsan tabashooyin sideed gaaraya, oo loo gudbiyay Villa Soomaaliya.

"Waxaan maanta shaacinaynaa in khilaafkii jiray go'aan laga gaarey, loona howlgalayo sidii loo dhameyn lahaa inta harsan, Aqalka Sare-na uusan ka hareynin illaa uu dhameystiro, go'aankiina aanu fileyno in sida uu yahay loogu wada qanco, loona qaato," ayuu yiri Senetor Farole.

Guddiga Gaarka ah ee Aqalka Sare ayaa sheegay in tabashooyinka ay soo gudbiyeen maamullada xubnaha ka ah dowladda Dhexe ay u qeybsan yihiin kuwa guud oo ay ka siman yihiin iyo kuwa gaar ah.

Tabashooyinka Guud ee ay ka siman yihiin:

1 - Dedejinta dhameystirka Dastuurka Federaalka [Xeerka Qaranka]
2 - Ka howlgelidda dhismaha Ciidanka Qaranka iyo sugidda Amniga,
3 - Dhisidda Guddiga Garsoorka Qaranka iyo dib u habeynta Garsoorka
4- Ka howlgelidda dib u heshiisiinta iyo midnimada Qaranka
5 - Ka heshiinta qaabka doorashada guud ee 2021 iyo dhismaha axsaabta siyaasadeed,
6 - Xoojinta nidaamka Federaaleynta, siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan,
7 - Mideynta qorshaha Qaranka, sida wax-qeybsiga mashaariicda iyo dhaqaalaha, iydoo dowladda dhexe ay yeelanayso go'aaminta meelaha ku habboon, ka hirgelinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo bulsho oo heer qaran,
8 - Faragelin la'aanta doorashooyinka Dowlad Goboleedyada dalka iyo kuwa Dowladda Dhexe.

Cabashooyinka u kala gaarka ah Maamul Goboleedyada

PUNTLAND: Taageeridda ciidanka Xoogga dalka [SNA], qeybta Puntland, xagga mushaarooyinka, tababaradda iyo agabka,

JUBBALAND: Taageeridda Ciidamada Daraawiishta, tayeyntooda iyo kala howlgelidda sugidda amniga guud ee Jubbaland,

KOONFUR GALBEED: Kala shaqeynta sugidda amniga Koonfur Galbeed, gaar ahaan wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo,

GALMUDUG: La dhisidda Ciidanka Galmudug iyo la xoreynta degaanada ay amni darrada ku hayso Kooxda Al-Shabaab.

Ugu dambentii, Guddiga Gaarka ah ee Aqalka Sare ayaa usoo jeediyay Xukuumadda Soomaaliya in ay si dhaqso ah ugu howlgasho fulinta qodobada go'aanka uu kasoo saarey Ismari-waagga ka taagan wadanka.

Go'aanka Aqalka Sare ayaa kusoo beegmaya xilli madaxda dowlad goboleedyada qaarkood ay heshiisyo u gaar ah la galeen Villa Somalia, sida Madaxweynaha HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare, iyadoo uu burbur ku yimid Gollihii Iskaashiaga dowlad Goboleedyada, ee lagu dhisay Kismaayo 2017.

Madaxda dowlad Goboleedyada ayaa qaadacay casuumaad uu Madaxweyne Farmaajo dhowr jeer u fidiyay, iyagoo diiday inay kasoo qeybgalaan Shir wadatashi ah, oo Khilaafka jira lagu dhameynayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM