Aqalka Sare oo naqdiyey qoraal kasoo baxay gudoonka Golaha Shacabka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddoonka Aqalka Sarre ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaamay talaabo afhayeenka Golaha Shacabka uu qaraar ugu bedelay xeerka metelaada gobolka Banaadir.

Senate-ka oo difaacay kaalintiisa meelmarinta xeerarka waddanka ayaa "xadgudub" ku sifeeyay qoraalka guddoonka Aqalka Hoose oo loo diray wasaaradda dastuurka federaalka iyo guddiga dib u eegista dastuurka.

Dhanka kale, guddoonka Aqalka Sarre ayaa waxba kama jiraan qeexay afarta xeer doorasho ee Aqalka Hoose meelmariyey "haddii aan la waafajinin habraaca xeer dejinta dalka" oo ah labada Aqal ay ansixiyaan.

Guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka ayay ugu baaqeen in aysan isticmaali karin xeerarkaas "inta laga saxaayo".

"Sharciyadda metelaada gobolka Banaadir waxay u baahan tahay in loo dhameystiro habraaca dastuuriga ah, sidda ku xusan qodobka 9aad ee Dastuurka KMG iyo 12aad (6) ee sharciga doorashooyinka Qaranka ee Heer Federaal," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah qoraalka Aqalka Sarre.

Dastuurka qabyadda ah ayaa xeerinaya in ay muhiim tahay in la helo maqaamka caasimadda Muqdisho kahor metelaada gobolka Banaadir.

Sidda ay sheegeen siyaasiyiin, guddoonka Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ayaa hortaagan mooshin ay saxiixeen tobanaan Xildhibaano ah laguna dalbanayo in laga doodo maqaamka magaalada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Sirdoon Oo Lagu Beegsaday Shir Al-Shabaab lahayd; 33 Lagu Dilay

Ciidamada amniga ayaa sidoo kale sheegay inay burburiyeen gaari nooca pick-up ah oo lagu rakibay qori culus.

  • Soomaliya

    22-04-2026

  • 08:37AM

Kooxda Xuutiyiinta oo ka Digtay Joogitaanka Israa'iil ee Somaliland

In kasta oo Somaliland ay ku dhawaaqday madax-bannaanida Soomaaliya sannadkii 1991-kii, haddana weli ma helin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    19-04-2026

  • 02:07PM