Askar ka tirsan nabad sugidda Jubbaland oo la qarxiyey

Image

October 1, 2014 (GO)- Askar ka tirsan ciidamada nabad sugidda ee Maamulka Jubbaland ayaa maanta magaalada Kismaayo qarax lagula eegtay.

Qaraxa oo ahaa nooca dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago, waxaa lala beegsaday gaari noociisu yahay Toyota Noah oo ay askartu saarnaayeen.

Sida wararka hordhaca ah lagu helayo wuxuu dhaawac aad u culusi soo gaarey askari kamid ah kuwii la socdey gaariga qaraxa loo dhigay.

Goobta uu weerarku ka dhacay oo ka tirsan xaafadda Guul-wade gaar ahaan agagaarka warshadii hore ee hilibka, waxaa daqiiqado kadib soo gaarey ciidamada booliska oo sameeyey baaritaan muddo kooban socdey.

Maalmo kahor waxay ciidamada nabad sugidda ee maamulka Jubbaland gacanta ku dhigeen dhawr qof oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-shabab iyo hub isugu jirey baaskoolado iyo walxaha qarxa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Koonfur Galbeed oo deegaan kala wareegay AS

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dib loo dardargelin doono dagaalka AS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:31AM

Xarigga Ugbaad Aragsan, aargoosi Siyaasadeed mise ka hortag dhaqan xumo?

Booliska Somaliland ayaa talaadadii Ugbaad ka soo qabtay mehrad ganacsi oo ay Hargeysa ku lahayd..

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 06:23AM