Askar katirsan Jubbaland oo Qarax lagu dilay [Fahfaahin]

Image

AFMADOW, Somalia - Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in maanta oo jimco ah ciidamo katirsan maamulka Jubbaland qarax khasaaro xooggan geystay lagu eegtay duleedka degmada Afmadow.

Qaraxa oo ka dhashay miino dhulka lagu aasay ayaa lala eegtay Kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada xilli ay marayeen inta u dhaxeysa Afmadow iyo Dhoobley, sida ay dadka degaanka u sheegeen Warsidaha Garowe Online.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu burburiyay gaari Cabdi-Bille ah, oo ay saarnaayeen Askarta, kuwaasoo ka yimid dhanka Dhoobley, kuna sii jeeday Afmadow, oo labaduba ay yihiin degmooyin Jubbaland hadda gacanteeda ku jira.

Inta la xaqiijiyay 8 Askari ayaa ku dhimatay qaraxa, waxaana dhaawac uu kasoo gaarey qaar kale.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka, iyadoo war kasoo baxay kooxda lagu sheegay in 19 askari ay ku dhinteen qaraxa miino ee saaka ka dhacay gobolka Jubbada Hoose, inkastoo khasaarahan ay Saraakiisha Jubbaland beeniyeen.

Weerarkan ayaa yimid kadib markii dhawaan uu Madaxweyne Axmed Madoobe safaro shaqo ku tagey degmooyinka Afmadow iyo Dhoobley, isagoo halkaasi kula kulmay dadka degaanka, Odayaasha iyo Saraakiisha ciidamada maamulkiisa.

Al Shabaab ayaa weerar dhanka cirka ah oo Mareykanka ka fuliyay meel ku dhaw degmada Jilib sabtidii lasoo dhaafay sheegay inuu ku dilay 52 xubnood oo kamid ahaa Kooxda, kuwaaso ku nafawaayay gantaal lagu dhuftay gaari weyn oo ay la socdeen.

Al Shabaab maamusho dhul ballaaran oo kamid ah Jubbaland, oo uu kamid yahay Gobolka Jubbada Dhexe oo guud ahaantiisa ay gacanta ku hayso, iyadoo degaannada ku dhaw Kismaayo ku weerarto ciidamada, Jubbaland, DFS iyo kuwa Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM