Askar lagu qabtay weerarkii Sanguuni oo la toogtay

Image

JILIB - Al-Shabaab ayaa goob fagaaro ah oo ku taala degmada Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe ay xukun dil toogasho ah ay ugu fulisay 2 askari oo ay sheegtay inay ku qabatay weerarkii Saldhiga degaanda Bar-sanguuni ee ciidamada Jubbaland.

War qoraal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu bidhaamiyay in Askarta ay si gaar ah uga tirsanaayeen Daraawiishta Jubbaland, waxaana goobta dilka loogu fulinayay ku sugnaa saraakiil sarre oo ka tirsan Maxkamada Al-Shabaab ee gobolka.

Bishii July ee 2018 ayay ahayd markii xoogag ka tirsan Al-Shabaab, ay duulaan qorsheysan oo ku bilowday Qarax ku qaadeen Saldhiga Baar-sanguuni, halkaasoo ay sheegatay inay ku dishay Shabaab 23 Askar, inkasta oo dowladda dhankeeda tilmaamtay inay dishay 80 Shabaab ah.

Dhinaca kale, isla goobta Al-Shabaab waxay ku toogatay Maxamuud Cabdi Abshir oo 31 jir ahaa, kaasoo lagu soo eedeeyay inuu si bareer ah u dilay nin kale oo lagu Magacaabi jiray Cabdi Raxmaan Cabdi Warsame, kana mid ahaan dadka degaanka Jilib.

Qaadiga Maxkamada Al-Shabaab ee xukunka riday ayaa cod dheer ku sheegay in dilkaan toogasho uu yahay qiyaasasta Warsame, isaga oo uga digay dadka kale inay ku kacaan falalka noocaan ah, oo uu tilmaamay in tahay wax aanan fiicnayn.

Al-Shabaab ayaa degaanada ku hoos jira maamulkooda waxay ka fuliyaan xukunno noocaan ah, iyaga oo qiil uga dhigay yihiin kuwa ku taagan Diinta, inkasta oo Hay'addaha Xuquuqul Insaanka iyo Beesha Caalamka ay si xoogan udhaleeceeyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM