Askari dhaawacay magan-galyo doon Soomaali ah oo la dacweeyay

Image

VALLETTA, Malta – Askari kamid ah ciidamada ammaanka Malta ayaa lagu soo oogay dacwad kadib markii uu dhaawacmay magan-galyo doon Soomaali ah kaasoo kamid ahaa 27 kale oo isku dayday in ay baxsato.

Darren Bonello oo kamid ahaa ilaalada xerada qaxootiga lagu hayo ee Safi ayaa la sheegay in uu rasaas ku furay muhaajiriinta markii ay Jimcadii isku dayeen in ay ka fakadaan xaruntaas oo lagu hayey sanadihii dambe.

30-jirkan maxkamad lasoo taagay, si KMG ahna hubka loo dhigay ayaa si gaar ah loogu eedeeyay in uu jebiyey shuruudaha isticmaalka qoryaha iyo in uu goob fagaare ah hub ku dhex-qaatay ogolaanshiyo la'aan.

Eedeysnaha oo ku adkeystay in uusan dambi gelin ayaa helay dalab damaanad lacageed ah taasoo qareenkiisa uu u gudbiyey xeer-beegtada.

Cabdiraxmaan Cabdullaahi Xamza oo ah Soomaaliga ku dhaawacmay xabada uu ganna askariga ayaa dhaawaciisa lagu qeexay mid sahlan, waxaana dib loosoo qabtay kooxdii kale ee ku wehlisay baxsashadda.

Badankooda oo kasoo kala jeeda Soomaaliya, Sudaan iyo Eritrea ayaa haatan xabsi ku jira iyagoo wajahaya dacwad ku aadan isku day fakasho, waxaana maxkamadda ay ka diidey codsi ku saabsanaa damaanad kusii deyn.

Wallow ay sheegeen in aysan dambi gelin, haddana waxaa loo diray baaris dheeraad ah iyagoo wajihi kara xukun xabsi oo aan ka yareyn 5 sano.

Jaziirada Malta oo dhacda bartamaha Mediterranean ayaa marin waxay u noqotay qaxootiga Afrikaan ah ee doonaya in ay u sii talaabaan qaarada Yurub, hase ahaatee, waxaa sanadihii dambe soo wajahay caqabado kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM