​Australia: Murashax Farole oo kulan sagootin ah loogu sameeyay Melbourne [Dhagayso]

Image

MELBOURNE, Australia- Kulan isugu yimaadeen qurba joogta Somaliyeed ee ku sugan dalka Australia ayaa waxaa lagu sagootinayay murashaxa madaxweynaha Somalia Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole islamarkaana waxaa lagu soo dhaweynayay murashaxnimadiisa xilkan iyadoo dadweynihii kasoo qayb galay ay ku ammaaneen kaalintii uu kasoo qaatay hormarinta waddanka.

Qaar kamid ah dadweynihii ka hadlay xafladda sagootinta oo ka dhacday magaalada Melbourne, ayaa sheegay in murashax Farole uu yahay shakhsi karti, aqoon iyo awood-ba u leh  inuu dalka ka saaro dhibaatada mudada dheer soo jirtay, iyagoo tusaale usoo qaatay hormarka uu Puntland gaarsiiyay mudadii uu madaxweynaha ka ahaa.

"Runtii kulankan caawa wuxuu ku saabsanyahay sagootin aan u samaynayno murashaxa madaxweynaha Somalia Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Farole, waxaan anigu oran karaa waa shakhsi aqoon leh oo awood u leh inuu dalka gaarsiiyo hormar wanagsan, waxaana u rajaynayaa guul, "Ayuu yiri mid kamid ah qurba joogtii ka hadlay xafladdaasi.

Mid kamid ah haweenkii munaasabadda ka hadashay xafladda ayaa tilmaamay in dhibaatada dalkeenna ka jirta si gooni ah uu saamaysay hooyooyinka iyadoo tusaale usoo qaadatay Tahriibka, waxayna xustay haddii la doorto madaxweyne Farole in arrintaasi wax ka qabashadeeda awood buuxda u yeelan doono, waxayna u rajaysan inuu EEBBE u fududeeyo howsha adag ee sugaysa.

Murashax madaxweyne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole, ayaa goobta ka jeediyay khudbad dheer oo uu uga hadlay xaaladda dalka Somalia iyo marxaladihii uu soo marayay mudadii uu ku jiray siyaasadda, wuxuuna sheegay in haddii uu xilkan ku guulaysto waddanka ka saari doono marxaladdan adag.

"Waxaan rajaynayaa oo anigu go'aansaday inaan aqoontayda, waayo aragnimadayda iyo wixii aan kari karo inaan ku biiriyo halkaan mana ahi kaligay waan badannahay... dad kaloo is sharaxaya waa jiraan waxaanse is leeyahay odaynimada adigaa maanta ugu lehoo intaas oo dhan soo shaqeeyay oo aysan jirin cid miiska soo saari karta waxaan anigu qabtay oo kale,"Ayuu yiri Cabdiraxmaan Farole.

Farole, wuxuu soo dhaweeyay nidaamka Federalka ee dalka laga hirgaliyay, balse wuxuu sheegay inaann loo fulin sidii loogu talo galay, isagoo tusaale usoo qaatay maamullada dhismay kuwaas oo tilmaamay inaan la siin taageeradii ay mudnaayeen.

"Waxaan malaynaynay Afar sano kadib in doorasho 1 qof iyo cod ah dhacdo, Federalism-ku hirgalo, waxaan malaynaynay in hay'adihii dowliga ahaa tagaan oo degmooyinka dalka oo dhan gaaraan... dowlad wanaag ayaa ku jirta Federalism-ka, waad aragtaan waddanku siduu yahay iyo Afar sano kadib waxa hirgalay, sidaas darteed ayaa waxaa nala leeyahay doorashaan rabnaa, anigu cid kale waan garaysan karaa laakiin ragga maanta Xamar jooga doorashaan rabnaa ma liqi karno mana garaysan karno, maxaa yeelay hadaadan awal wax kordhin hadda maxaad soo kordhinaysaa, "Ayuu yiri Murashaxa madaxweynaha Somalia Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed.

Wuxuu ballan qaaday Farole, inuu dhammaystiri doono hadii la doorto dhammaan arrimaha qabyada ah ee u baahan dhammaystirka iyo sugitaanka amniga, isagoo xusay inuu u marayo tallaabooyin fudud oo ah inuu bulshada ka shaqaysiiyo.

Farole, khudbaddiisa wuxuu ku daray inuusan faragalin ku samayn doonin maamullada dhisamaya, isagoo tilmaamay in dowladda Federalka Somalia ay tahay cidda kaliya ee hortaagan in waddanka maamullo ka dhismaan, wuxuuna tusaale usoo qaatay dhibkii laga soo maray dhismaha maamulka Jubbaland, isagoo sheegay in arrimahaasi u madax bannayn doono dadka taladeeda iska leh.

Mahadcelin ayuu usoo jeediyay dadka reer Australia isagoo ku ammaanay kalinta ay kasoo qaateen dhismaha waddanka, isagoo sheegay inuu uga abaal hayn doono.

Munsaabaddan ayaa imaanaysa xilli murashax madaxweyne Cabdiraxmaan Farole, la filayo inuu dib ugu soo laabto dalka Somalia, waxaana doorashada ka dhiman muddo kooban iyadoo waddanka ay ka socdaan loollanka loogu jiro doorashada dhacaysa dabayaaqada 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM