Axmad Madoobe oo diidey inuu la kulmo Madaxweynaha Soomaaliya [Sabab]

Image

NAIROBI- Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya oo booqasho maalin ah ku tagey dalka Kenya ayaa warar warsidaha GO ka heley ilo lagu kalsoon yahay waxay sheegayaan inuu guuldareystey kulan uu la qaadan lahaa Madaxwynaha Jubaland.

Wararkaan ayaa xusaya in Madaxwynaha Jubaland oo maalmihii lasoo dhaafey ku sugnaa wadanka Kenya uu ka baaqsadey habeenkii xalay kulan lagu dhexdhexaadin lahaa Madaxweynaha dowlada Federaalka ah.

Xiriirka u dhexeeya madaxda dowlada Federaalka ah iyo Madaxweyne Axmad Madoobe ayaan wanagsaneyn mudooyinkii ugu dambeeyey. Maamulka Jubaland ‘Axmada Madoobe’ ayaa cabashooyin ka muujinayey faragalin dhinaca siyaasada ah ee kaga imaaneysay Villa Somalia taasoo sababtey iney ka hadlaan.

Madaxweynaha Jubaland ayaa saxaafada si aan qarsoodi aheyn ugu sheegey in Madaxda dowlada Fedeeralka dacaayado lagu waxyeeleynayo xasiloonida maamulkiisa lasoo mariyo baraha bulshada kuwasoo ay lacago ku bixiso Villa Somalia.

 

Magaalada Muqdisho ayaa waxa lagu qabtey bisha May bartamaheeeda kulamo lagaga soo horjeedo maamulka Axmad Madobe kuwasoo ay horbeedayeen siyaasiyiin kasoo jeeda gobolkaan kuwasoo ogolaansho ka haystey Villa Somalia.

Warsidaha GO aya fahansan in Madaxwynaha Jubaland saacidihii ugu dambeeyey ee la filayey inuu la kumo Mudane Farmaajo dansadey taleefankiisa taasoo sababtey in kulankaan baaqdo.

Lama oga cidda dhexdhexaadineysay labada dhinac balse waxaa jiray warar sheegaya in Hotelka Radison ee uu ka daganaa Madaxweyne Farmaajo Magaalada Nairobi lagu arkey madaxda maamulada Koonfur Galbeed iyo HirShabeele.

Dhinaca kale warar kale ayaa sheegaya in agaasimaha Madaxtooyada maalmihii lasoo dhaafey lagu arkey Hotelka magalada Nairobi uu ka dagan yahay Madaxweynaha Jubaland iyadoo qorshihiisu ahaa in inta Madaxweyne Farmaajo Booqashada ku imaan Kenya diyaariyo sidii kulan u dhexmari lahaa labada mas’uul.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamad Cabdulahi Farmaajo oo maanta dib ugu noqdey Muqdisho ayaa Booqashadii uu ku tagey dalka Kenya wafdigiisa markale ka maqnaa Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Axmad Ciise Cawad isagoo safarkaan uu ku weheliyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradaas.

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa safar shaqo ah ku jooga dalka Jabuuti iyadoo la filayo in dalkaas dhowaan uu ku tago booqasho Ra’isal wasaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Jadwalka booqasho ee Madaxwyenaha Soomaaliya oo uu warsidaha GO arkey ayaa waxaa ka muuqda doorka Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ku leeyahay kulamada Mudane Maxamad Cabdulahi Farmaajo la qaadanayo madaxda dalka Kenya kasoo sida sharciga xiriirka caalamiga ah uu qorayo ay wada diyaariyaan labada dal ee kulmayo Wasaaradahooda arimaha dibada.

Madaxweyne Farmaajo oo ay soo dhoweysay Wasiirka arimaha dibada dalka Kenya

Wasiirada arimaha dibada Kenya Monica Juma oo ah dhiga Wasiir Axmad Ciise Cawad ayaa hogaaminaysay kulamadii ay wada-qaadanayeen Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyata.

Hadal haynta ugu badan ayaa noqotey sababta Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya uga maqan yahay booqashayoonka Madaxda sare ee dowlada Federaalka ah ku tageen wadamada Qadar, Ethiopia iyo Kenya.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM