Axmed Madoobe: Al-shabab waan soo afjaraynaa

Image

October 5, 2014 (GO)- Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ee maamulkaasi bilaabayaan hawlgal ballaaran oo Al-shabab looga sifeynayo dhammaan gobolada uu ka arimiyo Maamulka Jubaland.

Shir-saxaafadeed oo xarunta madaxtooyada uu ku qabtay ayuu warkan ku sheegay, wuxuuna intaas ku daray in la joogo xilligii Al-shabab si buuxda looga dabargoyn lahaa dalka.

"Al-shabab waa halista koowaad ee jiritaanka qaran Soomaaliyeed, waxay caqabad ku yihiin horumarka iyo nabadgelyada jubooyinka iyo guud ahaan dalka...waxaa la joogaa xilligii Al-shabab si buuxda gebi ahaanba dalka logoa sifeyn lahaa" ayuu yiri.

Axmed Madoobe wuxuu intaas raaciyey in cafis loo fidin doona xubnaha Al-shabab haddii ay mudo 48 saac gudahood ah isku soo dhibaan, haseyeeshee cidii fursadaas ka faa'iidsan weyda ee dib lag qabto aan loo naxariisan doonin.

"kuwa ka tirsan Al-shabab waxan fursad u siinaynaa mudo 48 saac ah inay isku soo dhibaan, hadii ay cafiska loo fidiyey ka faa'iideysan waayaan hadhow marka la qabto looma naxariisan doono" Madaxweynaha Jubaland ayaa yiri isagoo carabka ku adkeeyey inay ka go'an tahay sugidda ammaanka iyo horumarinta gobollada uu maamulka Jubaland ka kooban yahay.

Al-shabab oo sida muuqata awoodeedu sii wiiqmayso marba marka ka dambeysa, waxaa inta badan gobollada dalka ka socda hawlgallo ka dhan ah oo ay wadaan Dowladda Federaalka, AMISOM iyo ciidamada ammaanka Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM