Axmed Madoobe iyo wafdi uu horkacayo oo ku laabtey Kismaayo

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo ay wehliyaan hogaanka Golaha Isbedel Doonka Jubaland ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay caasimadda ku meelgaarka ah ee Kismaayo.

Axmed Madoobe, Xildhibaan Cabdirashiid Xidig iyo siyaasi Cabdinaasir Seeraar ayaa kasoo kicitamay caasimadda waddanka Kenya ee Nairobi, halkaas oo bilooyinkii lasoo dhaafay ay ku wadahadlayeen.

Mas'uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Jubbaland ayaa kusoo dhaweeyay Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee xarunta gobolka Jubadda Hoose.

Soo dhaweynta kadib, iyagoo warbaahinta si kooban ula hadlay waxay cod dheer kaga mahadceliyeen qaabka heerka sarre ee loo qaabilay.

Wada-xaajoodyaddii ay ku yeesheen Nairobi ayaa natiijadda kasoo baxdey waxay noqotay in ay "heshiis taariikhi ah" kusoo afjaraan khilaafka siyaasadeed iyo kala qeyb-sanaantii ka dhalatay doorashadii August, 2019.

Beesha Caalamka oo war-saxaafadeed ku soo dhaweysay heshiiskaas ayaa ku tilmaamtay mid dhabaha u xaari kara in la dhameeyo madmadowga kale ee jira.

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa bogaadiyey heshiiska, iyagoo xusuusiyey dowladda federaalka in ay miiska wadahadalka la fariisato dhinacyada kale ka aragtida duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG : Maxaa Keenay Dib U Dhaca Kulanka Madaxda Soomaaliya?

Casumaadda degdega ah ee kulanka ayaa timi kadib markii warsidaha…

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 02:40AM

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM