​Axmed Madoobe oo booqday Mashruuca Waraabka beeraha Gedo

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

DOOLOW, Somalia- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo booqasho ku jooga gobolka Gedo, ayaa maanta booqday Mashruuca waraabka Beeraha Gobolka Gedo ee lagu magacaabo Fadal kaas oo heer gabo gabo ah maraya.

Madaxweynaha oo xubno katirsan Xukuumadda ay wehelinayaan waxaa uu lug kusoo maray dhamaan qaybaha Mashruuca oo biyaha wabiga Jubba lagu gaarsiinayo dhulka fog ee baadiyaha.

Mashruucan ayaa loogu talo galay in kor loogu qaado wax-soo saarka iyadoo la adeegsanayo biyaha wabiga, waxaana la gaarsiin doonaa Beeraha ka fog wabiga Jiinkiisa.

Madaxweyne Axmed Madoobe, ayaa bogaadiyay mashruucan oo uu sheegay inuu yahay mid faa'iido u leh bulshada iyo dadka ku nool deegaanada Jubbaland, wuxuunta intaas ku daray in la gaarsiin doono dhammaan gobollada Jubbaland.

Madoobe, ayaa sheegay in deegaanada Jubbaland Qani ku yihiin wax soo saarka isagoo ku baaqay in kor loogu qaado si badeecooyinka soo go'a loogu iib geeyo dibadda islamarkaana uga faa'iidaystaan shacabka ku nool dhammaan gobollada waddanka.

Arrintan ayaa kusoo aaday xilli deegaano badan oo katirsan gobolka Gedo aysan nasiib u yeelan inay ka faa'iidaystaan biyaha Wabiga Jubba, taasoo keentay in xilliga abaarta dad badan abaar u le'daan.

Gobolkan ayaa kamid ahaa meelihii ay si daran u taabatay abaartii ka dhacday dalka Soomaaliya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM