Axmed Madoobe oo "dhageysanayey" wadahadalkii Mahad iyo madaxda DF

Image

KISMAAYO, Jubaland – Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa shaaca ka qaadey in uu "dhageysanayey" wadahadalkii dhanka telefoonka ee dhexmaray madaxda dowladda Soomaaliya iyo Mahad Islaam.

Mahad Islaam, taliyaha daraawiishta Jubaland ee Afmadow, ayaa todobaadkii hore shaaciyey in ay lasoo xiriireen saraakiil ka tirsan sirdoonka Soomaaliya una soo bandhigeen "qorshe afgembi".

Muuqaal uu soo duubay ayuu ku xusay in uu la hadlay madaxweyne Farmaajo iyo taliyaha NISA isla markaana loo balanqaadey hal milyan oo Doolar hadii uu fuliyo "qalalaaso laga abuuro degmadaas"

Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu tibaaxay in loosoo diray 83-kun oo Doolar, lacagtaas oo horudhac ah u ahayd balanqaadka. Lacagta ayuu "ku wareejiyay" Wasaaradda Maaliyadda Jubaland.

Axmed Madoobe oo darajada Gaashaanle Dhexe u dalacsiiyey Mahad isagoo ku abaalmarinaya "shaqadaas" ayaa qiray in uu ula socdey isla markaana uu dhageysanayey wadahadalka dhinacyadda.

"Inta xiriirkaas socday anaga khadka kula jirnay oon dhageysaneynay oo waxa loo sheegayey ay ahayd masaaliix shaqsi ah. Mahad isaga wuu ogaa ciidanka uu xukumo in aysan aqbaleyn waxa loo sheegayo oo ahayd burburi Afmadow wuxuuna yiri 'ciidankeyga waxaad ii sheegeysaan ma ahan waxay aqbalayaan' waxaasaana la wadaa," ayuu ka sheegay Afmadow oo uu socdaal ku gaarey.

Isku-tashi

Saraakiisha kale ee ku sugan degmada iyo askarta oo uu ku booriyey in ay la mid noqdaan taliye Mahad ayuu u balanqaadey abaalmarin hadii ay iska diidaan dalabyadda "wax burburinta ee dowladda federaalka".

Mar uu soo hadalqaadey la dagaalanka Al-Shabaab ayuu muujiyey in wax laga xumaado ay tahay in ciidankii la diriri lahaa ururkaas loo weeciyey arrimo kale, wallow uu caddeeyay "in ay isku tashan doonan".

"Aan isku tashano, aan annagu xisaabtano caddowgeena waan taqaanaa aan iska celino. Soomaali baan nahay qolo kale ma nihin. Jarmal ma nihin Belgium ma nihin Itoobiyaan ma nihin Kenyan ma nihin Soomaali baan nahay teenna annagoo ku dagaalameyno nimaankaas aan iska celino dadkeena aan ka xoreysano," ayuu ku daray.

Villa Soomaaliya oo xiriirka kala dhaxeeya Jubaland uu hooseeyo ayaa damacsan in ay Gedo ka hirgeliso maamul lagu sifeeyay in uu yahay sharci darro ayaa u muuqaneysa mid ku guuldareysatay hirgelinta yoolkaas.

MUUQAALKA AXMED MADOOBE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM