Axmed Madoobe oo "diidey" dalab lacageed oo DF u soo bandhigtay

Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland – Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shaaca ka qaadey in ku gacan-seyray dalab lacageed oo ay u soo bandhigeen madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

"Waxaa maanta sharaf ii ah aniga inaanan reer Jubbaland dhaafsiisan 20 milyan oo afka la iigu shubo, mana jiro macno aan ka gorgortami karay," ayuu yiri xili uu furay fadhiga baarlamaanka Jubaland.

Wallow uusan cid gaar ah carabaabin, Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda u soo adeegsatay shaqsiyaad isaga ugu goodiyey in ay dili doonan hadii uusan ogolaan dalabka lacageed.

"Jubbaland, culayska ugu badan aniga ayuu igu dhacayay, waxay gaartay in la idhaho lacag qaado oo meesha isag tag. Wiilasha isiinayay amarkaas waxay ahaayeen wiilal yaryar oo aan dowladnimada waxnba ka aqoonin. Waxaa intaas ii dheer hanjabaado iyo in la yiraahdo waan ku dilaynaa iyadoo la kaashanayo dowladda hoos," ayuu raaciyey.

Isagoo daaha ka rogay jawaabta uu ka bixiyey lacagta, madaxweynaha ayaa tibaaxay in uu miiska saarey wadahadal iyo in lagu qeybsado awooda sidda uu xeerinayo dastuurka qabyadda ah ee dalka.

"Waxaan ku iri dowladda federaalka iyo cidda ay sii direysay 'war aan isku imaano oo aynu wada fariisano dastuurka inaga dhaxeeya iyo buugaa yar aynu ku heshiino, qof kasta xuquuqda uu dastuurka siinayo ha qaato' hadii qofka uu intaa diido xagey la geynayaa? Hadii dastuurkii la karaameyn waayo, hadii dowladnimadii la waxeyn waayo, war habeen lagu wadahadlay ma soconaayo, kaasoo cad baan taaganahay," ayuu caddeeyay.

Hadalka Axmed Madoobe ayaa xoojinaya eedeymo horey loogu jeediyey dowladda madaxweyne Farmaajo kaasoo ahaa in ay laaluush iyo dhaqaale ku burburinta dowlad goboleedyada iyo dhinacyada kasoo horjeeda.

MUUQAALKA AXMED MADOOBE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM