Axmed Madoobe oo ka dagay Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ayaa maanta gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya.

Safarka Madaxweynaha waxaa ku weheliyay xubno katirsan labada gole ee Dowlada iyo masuuliyiin kale.

Masuuliyiin katirsan Dowlada Federaalka iyo dadweyne ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in ujeedada socdaalkiisu yahay shirka dhawaan ka dhacaya Magaalada Muqdisho ee lagaga hadlayo amaanka Soomaaliya.

“Maanta Cadowga kaliyah ee aan leenahay ee dadkeena dilaya waa Shabaab sidaas oo ay tahay wali waxaan rajaynayaa in loo midoobo oo si dhab ah loola dagaalamo,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dagaalka Argagixisada ay u baahan tahay wadajir in loo wajaho oo aan cid gaar ah lagu halayn si dhibaatada dadka looga dulqaado.

Socdaalka Axmed Madoobe, ayaa kusoo beegmay xilli maalinta barri ah la filayo in caasimadda Soomaaliya ka furmo shir looga hadlayo ammaanka dalka iyo dhismaha ciidamada qaranka.

Sidoo kale safarka Axmed Madoobe ayaa kusoo beegmay xilli magaalada Kismaayo ay ka taagtahay xiisad siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM