Axmed Madoobe oo ka hadlay metelaada G/Banaadir iyo doorashada

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa ka qaybgalay Munaasabada kooban oo lagu xusayo Sanad guurada 60-aad ee kasoo wareegtay markii ay Xornimada qaateen Gobolada Koonfureed iyo midowgii Waqooyiga iyo Koonfurta Dalkeena ee 1-da Bisha Luulyo.

Munaasabadan oo ahayd mid kooban maadama ay jiraan Xayiraadaha kala fogaanshaha dadka ee lagaga hortagayo inuu faafo caabuqa Covid19 ayaa waxaa Madaxweynahu uu ka jeediyay khudbad dhinacyo kala duwan uu kaga hadlay.

Ugu horayn Madaxweynahu wuxuu ku dheeraad Tariikhda xornimada dalkeena iyo sidii jiilkii naga horeeyay ay naftooda ugu hureen in Soomaaliya ay ahaato Qaran xor ah oo natiijadii halgankaas ka dhalatay miraheedii aan hayno maanta.

Madaxweynaha oo ka hadlayay Arimaha Siyaasada dalka ayaa sheegay in khilaafka mudada dheer ka taagan Arimaha masiiriga ah ee dalka ay yihiin kuwo mar walba dib u dhigaya xasiloonida iyo Hormarka dalka iyadoo Argagixisadu ay fursad qaali ah u tahay kala qaybsanaanta Siyaasadeed iyo Bulsho ee Wali dalka ka jirta iyagoo maalin walba dhiiga Shacabka Soomaaliyeed si macno daro ah u daadinaya.

Madaxweynahu wuxuu intaas ku daray in khilaafka dastuuriga ah ay tahay in lagu xaliyo wixii uu Dastuurku qeexayo iyadoo mar walba ay muhiim tahay Siyaasada loo dhan yahay oo dhamaan dhinacyadu ay isku raacsan yihiin waxaa uu isagoo taas ka hadlaya uu xusay in xeerarka iyo sharciyada aan dastuurka waafaqsanayn ee uu dhawaanahan meel marinayay Baarlamaanka Federaalka ah aanay ka turjumaynin Sharciga iyo nidaamka ay ahayd in loo maro iyadoo xeerarka qaar ay si weyn u abuurayaan khilaafka Cusub iyo kala qaybsanaan Bulsho.

Waxaa kale oo Madaxweynahu uu sheegay in Caasimada dalku ay xaq u leedahay maqaam iyo maaamuus gaar ah iyadoo dastuurku uu qeexayo sida loo samanayo iyo wadada la marayo dhamaana la isku raacsanyahah in taas laga dhabeeyo balse matalaad kaliya oo aan maqaam wadanin ay abuurayso in shacabku ay ku kala qaybsamaan ujeedada laga leeyahayna ay tahay in Bulshada la iska horkeeno.

Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed iyo Siyaasiyiinta dalka ayuu sheegay in ay ka go’an tahay sidii Gobolka Banaadir uu u heli lahaa xaqa uu leeyahay iyadoo aan dano gaar ah iyo mansab lagu raadsanayo aanay jirin.

Arimaha mudo kororsiga ee ay riixayaan gudiga Doorashooyinka ayuu Madaxweynahu sheegay in horay loogu dhiiran wayay isla markana Tariikhda dalka burburkii kadib uu caan ku yahay in afartii sanaba mar Doorasho la aado qofkii soo baxana la garab istaago waxaa uu intaas ku daray Madaxweynahu in wixii ay qaban waayeen gudiga Doorashooyinka Sadexdii sano ee lasoo dhaafay ay hada u raadinayaan wakhti dheeraad ah taas oo aan mara suuragal noqon Karin in mudo kororsi loogu qiil dayo.

Khilaafka Siyaasadeed ayuu sheegay in Jubbaland ay diyaar u tahay in xal laga gaaro isla markaana gogol walba oo arrintan lagu xalinayo ay diyaar u yihiin Shacabka iyo Xukuumada Jubbaland.

Shacabka ree Jubbaland ayuu Madaxweynahu sheegay in ay dadaal ugu jiraan sidii ay ula halgami lahayeen Xaaladaha ka jira gudaha Jubbaland isla markana dadaadala dib u heshiisinta ah ee Wali socda ay u xayiran tahay dhismaha Xukuumada Cusub waxaa kale oo uu xusay in dhibaatada ka taagan Gobolka Gedo iyo Ciidamada Darawiishat Jubbaland ee halkaas ku sugan ay u joojiyeen in ay talaabo ka qaadan Ciidamada ay halkaas gaysay Dowlada Federaalka ah ee dhibaatada ku haya Shacabka ay tahay in qof danbe oo Soomaali ah uuna ku dhiman gacanta qof walaalkii ah Waxaa uu sheegay Madaxweynahu in mushkilada Gobolkaas ka taagan xal rasmi ah ay u keeni doonto Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Madaxtooyadda Jubaland

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM