Axmed Madoobe oo khudbadiisa Ciidda ku eedeeyay dowladda

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa dadweyne iyo masuuliyiin kala duwan maanta salaada ciidul fidriga kula tukaday Magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa ugu horayn guud ahaan umada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadan weyn isagoo ugu baaqay inay is cafiyaan oo gacmaha ay is qabsadaan.

Madaxweynahaha ayaa sidoo kale ka hadlay marxaladahii burburka lahaa ee dalku uu soo maray isagoo xusay in Soomaalida ay u nugul yihiin wax duminta iyo in hantida umada la burburiyo taas oo wadaniyada iyo dal jacaylka aan sal ku lahayn wuxuu intaas ku daray in burburkii dalka laga dhaxlay kala daadsanaan iyo sharciga oo aan la aaminin.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in Dowladnimada Soomaaliya ay tahay wax adag in dadka sharciga lagu hago balse sanadahii dhawaa wax badan ay isa soo badalayeen inkasto qaybaalada ay wali tahay caqabad weyn oo aan laga gudbin.

Dhinaca kale wuxuu sheegay Madaxweynahu in Siyaasada dalka aanay fadhiyin oo wax badan ay khaldanyihiin isagoo xusay in Madaxda Dowlada Federaalka ah aanay war badan ka haynin dhibkii looso maray Dowladnimada iyo isku haynta Qaranka sida ay qiyamka u tahay.

Dadweynaha ree Jubbaland Ayuu isagoo sii hadlaya Madaxweynahu ugu baaqay midnimo iyo wadajir isagoo sheegay in doorashooyinka dhawaan dhacaya ay tahay in la ilaaliyo Dastuurka iyo sharciga Jubbaland u yaala taas oo ah waxa Dowladnimadeenu ay ku dhisan tahay.

Gudiga Xuduudaha iyo doorashooyinka ayuu Madaxweynahu sheegay in cidii damac uu ku jiro ay marto iyo shuruucda kale ee Jubbaland u yaala balse aan la aqbalaynin fara galin isagoo si gaar ah u xusay in warqadii dhawaan ay soo saartay Wasaarada Arimaha gudaha aysan ahayn wax Jubbaland u yaala.

Arimaha Amniga ayuu xusay Madaxweynahu in aan marna gorgortan laga galaynin oo ay tahay in qof walbaa uu wixii sharcigu u ogolyahay uu maro.

Odayaasha dhaqanka Jubbaland ayuu Madaxweynahu ugu baaqay in ay kasoo dhalaalan doorkooda hogaamineed iyo ka odayaynta danaha umada iyo wadajirkeeda.

Salaada kadib, Axmed Maxamed Islaam ayaa qaar kamid ah Dadweynaha u dabaal dagaya munaasabada Ciida wakhti kula qaatay Hotelka Madiina ee Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa qaybaha kala duwan ee Bulshada uu halkaas kula kulmay oo u badnaa Odayaasha dhaqanka iyo dhalinyaro ayuu ka dhagaystay aragtiyadooda iyo wixii afkaar ah oo ay ku biirinayaan Dowladnimada Jubbaland.

Madaxtooyadda Jubbaland

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM