Axmed Madoobe oo Kulan qarsoodi ah la qaatey madaxda Garissa

Image

GARISSA, Kenya - Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa kulan qarsoodi ah kula qaatey magaalada Garissa ee dalka Kenya siyaasiyiin, waxgarad iyo odayaal dhaqan maalintii Axad ee lasoo dhaafay.

Illo ku dhaw kulanka ayaa u sheegay wargeyska Daily Nation in Axmed Madoobe uu u tagey Garissa inuu taageero waydiisto beesha uu kasoo jeedo ee Ogaden, oo degta qeybo kamid ah gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa madaxdii iyo odayaashii uu la kulmay ka dalbadey taageero si markale ugu guuleysto doorashada madaxtinimada Jubbaland, oo la filayo inay dhacdo sanadkan soo socda.

Axmed Madoobe oo kursiga ku fadhiyay tan iyo 2013-kii ayaa wajahaya doorashada soo socota tartanka adag oo kala kulmayo siyaasiyiin beeshiisa kasoo jeeda, oo la sheegay in taageero ka helayaan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Cismaan Ibraahim, oo kamid ah Odayaasha Garissa ayaa xaqiijiyay in ujeedka Axmed Madoobe u tagey magaalada ay ahayd raadinta taageero uu ka helo beeshiisa degan dalka Kenya, maadaama doorasho ay kusoo food leedahay.

Laakiin, Madaxtooyadda Jubbaland illaa iyo haatan kama aysan hadlin safarka Madaxweyne Axmed Madoobe ee Garissa.

Dowladda Kenya ayaa Axmed Madoobe ka gacan siisay inuu Al Shabaab ka saaro Kismaayo 2012, waxaana ay geysay gobollada Jubbooyin ciidamo qeyb ka ah AMISOM oo Jubbaland difaacaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM