Axmed Madoobe oo la kulmay xubno kasocday Ururada Bulshada Rayidka

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlada Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa habeenkii xalay ahaa wuxuu kulan la qaatay xubno kasocday Ururada Bulshada Rayidka ah.

Waxaa ururada Bulshada Rayidka ah ay Madaxweynaha uga mahad celiyeen sida uu hormuudka uga noqday in dalku uu helo hanaan Doorasho oo heshiis lagu yahay isla markana meesha ka saara walaaca ay Bulshadu ka qabtay mustaqbalka dalka ee xiligan kala guurka ah.

Ururada Bulshada Rayidka ah xubnaha ka socday ayaa sidoo kale sheegay inay Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah kala shaqaynayaan sidii waxyaabaha dhiman loo dhamaystiri lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM