Axmed Madoobe oo mid-mid u dul istaagey qaladaadka Villa Somalia

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa khudbad kulul ka jeediyay furitaanka Shirka Golle Iskaashiga maamul goboleedyada ee maanta ka furmay Kismaayo.

Shirka gollahan lagu aas-aasay October 2017 ayaa waxaa ka qeyb-galaya Madaxweyniye-yaasha Puntland, Galmudug, HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, kuwaasoo khudbado jeediyay.

Axmed Madoobe, ayaa khudbadiisa si kulul ugu dhaliilay hab-dhaqanka Madaxda dowladda Soomaaliya, oo uu sheegay inay ku fashilmeen inay fuliyaan heshiisyo ay hore ula gashay dowlad goboleedyada.

- Amniga - 

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in amniga uu yahay mid muhiim u ah dalka iyo dadka, islamarkaana aysan suurta-gal noqonaynin nolosha hadii aan xasilooni helin shacabka Soomaaliyeed.

Axmed Madoobe ayaa tilmaamay inaysan jirin wax ka fulay heshiisyadii dhanka amniga ee lagu gaarey shirarkii amniga qaran ee lagu qabtey Muqdisho iyo magaalooyin kale tan iyo sanadkii tagey 2017.

"Arrimaha amniga, Soomaaliya waxay u yahiin laf-dhabar, waa mid qof kastoo Soomaali ah ama heer dowlad goboleed ama heer dowladda Federaalka ka noqdo, wax badan ayaa amniga laga hadlay mar hadii uu wakiilka QM uu joogo inay yar tahay waxa ka fulay, una baahan yihiin in dib loogu noqdo, wadanka xaaladda uu ku jirana dib loogu xisaabtamo," ayuu yiri Axmed Madoobe.

Wuxuu sheegay in sugitaanka amniga loo baahan yahay in ajandaha kowaad laga dhigto, oo la fuliyo qodobadii lagu heshiiyay shirarkii hore, oo ah in dowladda Federaalka iyo maamullad iska kaashadaan.

Amniga ayuu ku celiyay in uu maanta marayo meel ka xun 2016-kii, marka la fiiriyo qaraxyada ka dhacay magaalada Muqdisho, iyo weerarada Al-Shabaab ka fulinayso qeybo kamid ah wadanka.

 - Dastuurka - 

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa xusay in wadanka ay ka jiraan khilaaf iyo dhibaatooyin badan, oo looga bixi karo oo kaliya dhowrista iyo dhameystirka dastuurka, oo saldhig u ah soo celinta Soomaaliya.

Madoobe ayaa sheegay in hadii lagu dhaqmi waayo dastuurka iyo wixii lagu heshiiyay ay keenayso khilaaf siyaasadeed aan dhamaad lahayn, oo u dhaxeeya Villa Somalia iyo dowlad goboleedyada.

"Waxaa la isku raaci karaa, oo wax lagu hagaajin karaa, oo wax lagu socodsiin karaa waa dastuurka oo la ilaaliyo dhowristiisa iyo dhameystirkiisa, hadii dastuurkaas aan ku heshiinay isaga loo hogaansami waayo, la dhowri waayo, oo la dhameystiri waayo oo isaga lagu dhaqmi waayo waxaad garanaysaa in meesha lagu soconayo ay noqonayso nin tooxsi, dhibaataduna ay noqonso mid qof walba meeshiisa ku taabanayso," ayuu hadalkiisa raaciyay Axmed Madoobe.

Wuxuu ku tilmaamay Dastuurka inuu yahay mid saldhig u ah dowladnimada Soomaaliya, islamarkaana loo baahan yahay in dhowristiisa laga dhigo mid muqadas ah, oo aan noqon mid cid gooni ah siday rabto u maamulato.

Axmed Madoobe ayaa carabka ku adkeeyay in lagu tagri-falayo dastuurka dalka, oo si qaldan loogu dhaqmayo, taasoo ka dhalatay khilaafaadka maanta dalka ka jira iyo jahwareerka siyaasadeed.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe marna carabka kuma uusan dhufan cida dastuurka sida qaldab u isticmaalayso, balse ay cadahay inuu ula jeedo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

 - Garsoorka - 

Nidaamka Garsoorka dalka ayuu sheegay Axmed Madoobe in qaabka ay dowladda Federaalka u maareynayso uu yahay mid keeni kara dhiibaato, culeyso iyo mushkilado badan oo dib u dhac u keeni karta dalka.

Dhowr iyo 20-kii sano ee lasoo dhaafay, ayuu sheegay in dalka uu soo marayay marxalado kala duwan, oo qori isku dhiib ah, sidaasi darteed hadii aysan jirin wadashaqeyn iyo hogaamin wanaagsan aan waxba laga qaban karin xaaladda dalka uu hadda ku jiro.

Isagoo ka hadlayay aragtidiisa iyo dareenkiisa ku aadan xaaladda dalka, ayuu daboolka ka qaadey in madaxda dowladda Federaalka ay wax ku maamulayaan rabitaankooda islamarkaana aysan cabirka saareynin nooca dalka ay maamulayaan.

"Soomaaliya way ka duwan tahay wax ay qof, labo ama saddex qof xukumi karaan, looma qaadan karo sida dowladaha dimuqraadiga ah, dhul wada boog ah, oo wada damqanaya laguma maamuli karo rabitaankaada," ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa daboolka ku qaadey in hay'adihii dowladda u burbur ku yimid, oo Baarlamaanka uu ku mil-may Xukuumadda, islamarkaana aysan jirin la la xisaabtanta hay'adda fulinta.

Qiyaastii 65% Gollaha Wasiiradda Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa ah Xildhibaanno, taasina ay keenayso isla-xisaabtan la'aan, horseeday musuq-maasuqa hadda ka dhex-dhexa hay'adaha dowladda Federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM