Axmed Madoobe oo weerar afka ah ku qaaday madaxda DFS

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxwaynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo warbaahinta kula hadlay Magaaladda Kismaayo, halkaasoo uu maanta kusoo laabtay kadib safar uu ugu maqnaa Itoobiya ayaa eedaymo culus ujeediyay dowlada.

Axmed Madoobe ayaa sababta taliye iyo ku xigeenkiisa oo ay dowladda u magacowday Nabad Sugiida Jubbaland, loogu xanibay garoonka Kismaayo ayaa ku sheegay in aanan wax latashi ah lagala sameyn magacaabistooda.

Wuxuu ku nuux-nuux saday in Jubbaland aysan ka shaqayn doonin amar kasoo baxay dowlada Federaalka, hadii aanan lagala latashan Maamulkiisa, maadaama siduu hadalka u dhigay go'aamadaas ay saameyn ku yeelanayaan shacabkiisa.

Hogaamiyaha Jubbaland ayaa carabka ku dhuftay in dowlad goboleedyadda dalka ka jira aysan kala dhaxayn dowladda Federaalka wax wadashaqayn ah, taasoo uu shaaciyay inay sababi karto amni xumo baahsan oo dalka lasoo darista.

"Dowladda Federaalka iyadda ayaa amni xumadda dalka ka jirta qayb ka ah, maxaa yeelay hadii ay jiri lahayd wadashaqayn ay la yeelato dowladda goboleedyadda amniga wuxuu noqon lahaa mid hagaagsan," ayuu Axmed Madoobe saxaafada u sheegay.

Hadalka Ahmed Madoobe ayaa imaanaya xili xiriirka u dhaxeeya dowlada Federaalka iyo Jubbaland uu ahaa mudooyinkii dambe mid hoos u dhacay, taasoo sababtay in tiro labo jeer ah laga soo celiyay Kismaayo taliye-yaal ay magacowday Dowladda dhexe.

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu Axmed Madoobe dhaliilo culus ujeediyo dowladda, waxaana la xasuustaa in shirkii Brussels uu ku karbaashay maamulka Farmaajo, isagoo ku eedeeyay inay ka gaabisay la shaqaynta maamuladda iyo inay fara-gelin toos ah ku sameyso arrimahooda gudaha.

Sidoo kale, Jubbaland ayaa mar sii horey ku eedeeyay dowladda Federaalka inay taageereyso mucaaradka maamulka Jubbaland, kuwaasoo olale xoogan ugu jira inay meesha ka saaraan maamulka Axmed Madoobe doorashadda soo aadan.

Arrimahaan oo dhan ayaa kusoo beegmaya xili degaano iyo degmooyin ka tirsan dalka ay ka socdaan howlgalo balaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaasoo la doonayo in looga saaro tuulooyinka wali ku hoos jira maamulka kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM