Baarlamaanka Jubbaland oo la wareegay maamulka doorashadda

Image

KISMAAYO, Jubbaland - Baarlamaanka Jubbaland ayaa la wareegay maamulka hannaanka qabashada doorashada madaxweynaha Jubbaland, sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay guddoonka.

Guddiga madaxa Bannaan ee xuduudaha iyo doorashoyinka dowlad goboleedkaasi ayaa waxaa uu doorkoodu noqon doona caawinta dhanka Farsamada, sida ku cad bayaanka.

Go'aankan ayaa yimid kadib codsi ka yimid beesha caalamka kaasoo sheegayey in Baarlamaanka cusub ee Jubbaland uu door muuqda ku yeesho qabashada Doorashada madaxweynaha.

Coddeyntaasi oo lagu soo dooranayo madaxweynihii saddexaad ee Jubbaland ayaa lagu wadaa in ay Kismaayo ka qabsoonto Khamiista nagu soo aadan ee taariikhdu ku beegantahay 22 August 2019.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maalinta Shaqaalaha Aduunka oo si weyn looga xusay Soomaaliya iyo Caalamkaba

Shaqaalaha hay’adaha dowladda ayaa la fasaxay maalintan.

  • Soomaliya

    01-05-2024

  • 07:35AM

Dowladda federaalka Soomaaliya oo dhambaal tacsi ah u dirtey Kenya

In ka badan 200,000 oo qof oo ku nool guud ahaan dalka Kenya ayaa waxaa saameeyay fatahaadda.

  • Soomaliya

    30-04-2024

  • 04:55AM