Xildhibaanadii ugu badnaa oo xaadiray kulanka lagu ansixinayo Rooble

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha magacaaban ayaa maanta hortagaya Baarlamaanka, iyadoo Xildhibaanada la filayo inay siiyaan kalsoonida si uu usoo dhiso Xukuumad cusub.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo fadhiga Maanta, oo ka dhacaya xarunta Villa Hargeysa oo Madaxtooyadda ku dhex-taalla, maadaama xaruntii Gollaha Shacabka dhismo uu ku socdo.

Xildhibaanno aan horey usoo xaadiri jirin kulmada ayaa maanta jooga, kuwaasoo uu kamid yahay Prof Jawaari, waxaana wararka aan ka helay Villa Hargeysa ay sheegayaan in Kooraamka si aad ah loo soo buuxiyay Maanta.

Rooble ayaa xilka loo magacaabay 17-kii bishan, saacado kadib markii Farmaajo iyo Madaxda Maamullada ku dhawaaqeen heshiiska doorashadda kadib afar maalmood oo wadahadal ah oo ay ku yeesheen Villa Soomaaliya.

Warar hoose oo Garowe Online helayo waxay sheegayaan in Wasiiradii Khayre ay soo noqon doonaan, oo Xukuumadda Rooble kasoo muuqan doonaan, maadaama ay adag tahay in waqti kale lagu bixiyo in lasoo xulo shaqsiyaad cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM