Baarlamaanka oo soo farageliyay Kiiska Wasiir Mukhtaar

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo faro-geliyay eedaymo Kiiska Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mukhtaar Mahad Aadan, oo labo maalin kahor la isku dayay in la xiro.

Macluuamaad hoose oo uu helay Warsidaha Garowe Online illo wareedyo ayaa sheegay in Wasiir ku xigeenka uu xalay Muqdisho kulan kul aa yeeshay xubnaha Guddiga Arrimahada dibadda ee Baarlamaanka, oo ay kawada hadleen eedaymaha loo heysto.

Xogta laga helayo kulankaan ayaa intaas ku dareysa in waxybaaha kulanka looga hadlay kulanka loo gudbin doono Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, Maxamed Cabdiraxmaan Mursal, kaasoo isana kala hadli doono madaxda ugu sareysa ee DSF.

"Waxaan rabnaa inaan ogaano meesha uu Madaxweyne Farmaajo ka joogo arrimahaan taagan. Qodobadda aan uga hadalnay kulankeena waxaan kasoo saari doonaa go'aamada ku haboon, inaga oo kadib u gudbin doona Gudoomiye Mursal," Xilldhibaan ka qeyb galay Kulanka ayaa sidaasi Warsidaha Garowe Online u sheegay.

Kulanka Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka la yeeshay Wasiirka Mukhtaar ayaa imaanaya xili war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda si kulul loogu cambaareeyay isku dayga xariga Wasiir ku xigeenka, oo lasoo eedeeyay.

Talaabooyinka ku aadan xariga mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo lagu eedaynayo musuq-maasuq ayaa waxay ahaayeen kuwa mudooyinkii dambe isa soo tarayay, xili aanan la ogayn ujeedada ka dambeysa in ciidamo loo diro xafiiskiisa.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, oo lagu soo qoray luuqad adag ayaa si kulul loogu cambaareeyay tallaabadiii la doonayay in xabsiga lagu dhigo wasiir ku xigeenka, iyadoo arintaasi ku tilmaantay mid dhaawacaya nidaamka dowladnimo. [Halkan ka akhri war-saxaafadeedka].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM