BF Soomaaliya oo soo afmeeray wadashaqeyn la'aan ka dhaxeysay

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Gudoonka labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in ay ka heshiiyeen arrimihii keenay wadashaqeyn la’aan ka dhex qarxaday labadda dhinac.

Afhayeenada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare oo Jimcadii kadib kulan ay Muqdisho ku yeesheen la hadlay war-fidiyeenka ayaa shaaciyey in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaneyso iskaashigooda.

Maxamed Mursal Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ku farax-sanaa xalinta khilaafkooda ayaa isu mahad-celiyay, inkasta oo aysan soo bandhigin qodobada ay isla meeldhigeen.

Sidda uu ka dhawaajiyey gudoomiye Mursal, arrimaha soo dadejiyay in la dhameeyo kala taagnaanshiyaha ayaa waxaa qayb ka ah sharciga doorashooyinka oo haatan horyaala Aqalka Hoose.

"Sharciga doorashooyinka iyo kuwa kale oo haatan horyaala Golaha Shacabka marnaba loogama maarmo Aqalka Sare," ayuu yiri Mursal, oo raaciyey "Labada aqal waxay isku yihiin baarlamaanka Soomaaliya".

Bishii Janaayo 2019 ayey ahayd markii uu Aqalka Sare xiriirka u gooyey Golaha Shacabka oo uu waqtigaasi ku eedeeyay isku koobida meel-marinta xeerarka, shirarka caalamka iyo farogelinta arrimaha maamuladda.

Sidda ku xusan dastuurka qabyadda ah, Aqalka Sare oo ka kooban 54 xubood ayaa wuxuu metalaa danaha dowlad goboleedyadda xubnaha ka ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliiska oo Xiray TikTokers Heestii Ololaha Doorashadda Xasan Sheekh u bedelay Aflagaado

Xariggan ayaa dib u kiciyay dood adag oo ku saabsan doorka baraha bulshada ee Soomaaliya, gaar ahaan TikTok.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 06:03AM

Maxay yihiin caqabadaha hortaagan in loo daabaco lacag cusub oo Soomaaliya leedahay?

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa saxaafadda u sheegay in guud ahaan mashruucu ku kacayo illaa $70 milyan.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 05:39AM