Baarlamaanka Soomaaliya oo u yeeray Saraakiil ka tirsan AMISOM

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Gollaha Shacabka, Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxa uu shir-gudoomiyay kulanka Guddiyada joogtada ah, kaasoo horudhac u ahaa furitaanka Kalfadhiga 4aad ee Xubnaha sharci dejinta.

Kulankaan oo ay xigaan kuwa kale oo isdaba joog ah, islamarkaana qabsoomaya maalmaha soo socda ayaa waxaa looga hadlay Ajandayaasha kulamadda xiga, kuwaasoo mid kamid ah lagu sameynayo Guddiga qaban-qaabada munaasabada furitaanka Kalfadhiga 4aad.

Mar sii horeysay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Afhayeenka Gollaha Shacabka waxaa lagu sheegay inuu kulanku furmayo 3-da bisha soo socota, laakiin haatan waxaa loo bedalay 10-ka, sida laga soo xigtay xoghaynta Gollaha.

Gudoomiye Cawad ayaa wuxuu carabka ku dhuftay in kulamada kale ee uu yeelanayo Guddiga joogtada ah ee Gollaha Shacabka loogu kala yeeri doono taliyaasha Hay'addaha amaanka ee dhismaha Aqalka Hoose, iyo saraakiisha AMISOM ee isla xarunta ku sugan.

Arrimo ku xeeran amniga xarunta Gollaha, waxa qaldnay iyo sidii wax looga qaban lahaa ciladaha jira ayuu Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Gollaha Shacabka Soomaaliya ku nuux-nuux saday inay kala hadli doonan taliyaasha amaanka dowlada iyo saraakiisha AMISOM.

AMISOM ayaa amaanka dhismaha xarunta Gollaha Shacabka lagu wareejiyay horaantii sanadkaan, gaara ahaan intii uu socday mooshinkii laga gudbiyay Maxamed Cusmaan Jawaari ee uu ku waayey xilka Gudoomiyaha Aqalka Hoose.

Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayuu qorshuhu yahay inuu furo Kalfadhiga afaraad ee Gollaha, wuxuuna ka jeedin doonaa Khudbad Dastuuri ah, taasoo uu waxyaabo badan oo xaaladda dalka ah uu kusoo qaadi doono.

Ugu dambeyn, Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Gollaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Mahad Cabdalla Cawad ayaa wuxuu tibaaxay in Kalfadhiga afaraad uu noqon doono mid shaqada Baarlamaanka si fiican usocota ayna horyaalaan sharciyo badan.

Kalfadhigii saddexaad ee Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa hareeyay mooshino kala duwan, kuwaasoo mid kamid ah uu galaaftay Prof Jawaari, waxaana la sheegayaan in shaqadda Xilldhibaanadda ee Fadhigaasi ay gaabis ahayd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM