Baarlamanka Soomaaliaya oo la hor-geeyay sharci dalka ku cusub [DAAWO]

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada Gollaha Shacabka ayaa maanta xaruntooda ku yeeshay Fadhigii 21aad kaasi oo qayb ka ah Kal-fadhiga 4aad, xili uu shir gudoonka kulanka uu ahaa Afhayeenka Gollaha, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Kulanka waxaa soo xaadirtay 156 mudane, tiradda maqan waxaa nas-beeyay maqnaan-shahooda sababo kala duwan, oo isugu jir jiro, cudar daar iyo kuwa la sheegay inaanu wax hadal ah laga haynin.

Sharci-dejiyaasha kulanka kasoo muuqday waxaa ku jira, Maxamed Cusmaan Jawaari, Afhayeenkii hore ee Gollaha, kaasi oo aanan lagu dhex-arkin tan iyo markii uu is-casilay bishii April ee sanadkaan kadib cadaadis Villa Somalia ka yimid.

Ajandaha kulanka wuxuu ahaa ka doodista iyo akhrinta koowaad ee Sharciga Dheyma nolaleedka siyaasiyiinta iyo Xilldhibaanada, kaasi oo xuquuq siinaya marka ay xilalka baneeyaan, sabab kasta owgeed.

Baarlamaankii 9aad ayaa horey loo hor-geeyay sharcigaan, kaasi oo xuquuq gaar ah oo aanan wali la fahfaahin siinaya siyaasiyiinta xilalka dalka kasoo qabatay iyo Xilldhibaanada doorashooyinka kusoo bixiwaysa, inkasta oo aan walla meel-marin.

Gudoomiye ku xigeenka Aqalka Hoose, Mahad Cabdalla Cawad oo fadhiga ka hadlay wuxuu ku dheeraaday ka sheekeeynta muhiimada uu leeyahay sharcigaan, kaasi oo ku cusub siyaasadda dalka.

Cawad ayaa soo jeediyay in Xilldhibaanada Baarlamaankii 9aad, oo uu isag kamid ahaa uu “iska indha-tiray” meel-marinta sharcigaan, kaasi oo inta ka ogyahay aanan horey dalka looga hir-gelin.

“Siyaasiyiinta dalkaan xaqbay ku leeyihiin. Siyaasiga Soomaaliga ah dalkaan kuma noolaan karo. Marka Xilldhibaano sharci sameysta si aad berri xaq uyeelataa. Ma ahan wax loo dulqaadan karo in siyaasi ama Xilldhibaan dalkaan usoo shaqeeyay uu Berri Shaati lasoo fariisto Suuqyadda Qare,” ayuu yiri Cawad.

Ugu dambeyntii, Gudoomiye ku xigeenka Aqalka Hoose, Mahad Cabdalla Cawad ayaa ugu baaqay Mudanayaasha inay si deg deg ah ay ku meel-mariyaan sharcigaan, oo uu carabka ku adkeeyay inuu muhiim u ah mustaqbalkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM