Bankiga Premier oo Soomaaliya ka hirgaliyay adeegga ganacsiga ee LC

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Bankiga Premier ayaa markii ugu horreysey muddo 26 sano ka badan ka hirgeliyey dalka Soomaaliya, nidaamka LC [latter of credit], kaasoo ah hab bangiyada caalamiga ahi ku fududeeyaan wax kala iibsiga.

Habkan ayaa ah mid ka saacidaya shirkadaha ganacsiga ee maxalliga ah iyo kuwa shisheeyeba, in ay badeecooyinkooda si sahlan oo damaanad leh u kala iibsadaan iyadoo qolo kasta goobteeda ku sugan tahay.

Nidaamkan maanta la soo bandhigay ayaa waxa uu dhexeeyaa Bangiga premier ee Soomaaliya iyo Bangiyada Masar

Munaasabad ballaaran oo lagu daah furayey adeegga LC ee Prermier Bank, ayaa maanta ka dhacday gudaha dekedda Muqdisho, waxaana kasoo qayb galay mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, xubno ka socdey safaaradda Masar ee Muqdisho, Madaxda Bankiga Premier, iyo wakiillo kala metelayey shirkadaha ganacsiga.

Wasiiradda Ganacsiga ee Soomaaliya, Khadro Ducaale, oo ugu horreyn goobta ka hadashay ayaa ku tilmaantay arrintan tallaabo muhiim ah oo horay loo qaadey, iyadoo uga mahadcelisey Bankiga Premier soo kordhinta adeegga LC iyo dhammaan adeegyada kale ee muhiim ah ee uu waddanka kusoo kordhiyey.

“ Dowladda Masar iyo Premier Bankgiba aad baan ugu mahad naqayaa. Dowladdu aad bay uga shaqeysey in wadanka la horumariyo, wax ka wanaagsan ma jiraan in ganacsatada la taageero, oo ay waddanka ka shaqeystaan oo ay maalgashi sameystaan oo ay xataa dibada ka adeegtaan, wax ka wanaagsan ma jirto”

Madaxa Maalgelinta ee Bankiga Premier, Axmed-nuur Maxamed Cabdi oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay inay dadaal dheer ku bixiyeen sidii habkan looga dhqan gelin lahaa Soomaaliya, isagoo u mahadceliyey cid kasta oo howshaas gacan ka geysatey.

Axmednuur ayaa dhanka kale sheegay in barnaamijkani wax badan ka beddeli doono guud ahaan nidaamka ganacsiga iyo koboca dhaqaalaha ee dalka iyo in ganacsatada Soomaalida ay helaan kalsooni ay debadda wax uga soo iibsadaan ama looga iibsado.

“Barnaamijkan maanta guusha ah oo ah LCgii ugu horreeyey ee Soomaaliya laga furo kadib burburkii 1990kii…LCgaan oo Bankiga Premier uu u furay shirkaddan oo la yiraahdo IMPO oo ah shirkad daawada keenta waxa uu ku dhammaaday si guul ah Premier Bank ayaana sameeyey. Waxan u mahad celineynaa cid kasta oo howshan kazoo qayb qaadatay”

Sidoo kale, mas'uuliyiintii munaasabadda daahfurka adeegga LC [letter of credit] ka hadlay waxaa kamid ahaa, Qunsulka Safaaradda Masar ee Muqdisho, Taamir Safwat, maadaama adeegga LC ay Bankiga Premier ka wada shaqeyn doonaan qaar kamid ah bankiyada dalka Masar.

Qusulka ayaa sheegay in arrintani tahay mid sii xoojineysa xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya labada dal, maadaama xilliyadii hore ay adkayd in ganacsatada Soomaalidu toos wax uga soo gataan Masar ama kuwa Masaaridu toos badeecooyinkooda Soomaaliya ugu soo dhoofiyaan. Qusulka hadalladiisii waxaa kamid ahaa

“Maanta waxaan goobjoog ka ahay dhacdo muhiim u ah xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Masar, gaar ahaan dhanka xiriirka ganacsiga. Xliyadii hore dhibaatooyin baa ka jirey dhanka xiriirka ganacsiga ee labada dal, ganacsatada Masaarida dhib bay ku ahayd inay wax usoo dhoofiyaan halkan, maadaama Soomaaliya aysan lahayn nidaam bangi oo si wanaagsan u shaqeynaya. Ganacsatada Masaarida waxaa dhib ku ahayd inay bangiyada Soomaaliya ka helaan waraaqaha LCga. Alxamdulilaah maanta waxan u joognaa dhacdo muhiim ah, taasoo ah miradhalka dadaal dheer oo lasoo galay. Waan u mahadcelinayaa cid kasta oo howshan ka qayb qaadatay gaar ahaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wax badan nala fududeeyey iyo madaxda wasaaradda ganacsiga”

Ismaaciil xasan Nuur oo socdey shirkadda IMBO oo iyadu ah shirkaddii ugu horreysey ee Soomaaliyeed ee adeeggan ka faa'iidaysatey, ayaa docdiisa wax lagu farxo ku tilaamay barnaamijkan cusub ee Bankiga Premier uu soo kordhiyey, isagoo xusay in tallaabadani tahay mid sii dhiirrigelineysa ganacsatada islamarkaana lagu soo aadday xilli aad loogu baahi qabo.

“Waxaan ku faraxsanahay maanta in anigoo metelaya shirkadda IMPO Pharmaceutical aan kasoo qayb galo dhacdadan muhiimka ah. Shirkaddan labaatan sano wax ka badan ayey shaqeyneysey , fursad aan horay dalka uga jirin oo culeyskeeduna u ujirey inaan maanta helay oo aan noqon shirkaddii ugu horreysey aad ayaan ugu faraxsannahay”

Adeega LCga ayaa waxa uu ak mid ahaa adeegyada aan ka jirin soomaaliya sanadihii lasoo dhaafay. Bankga premier Ayaan noqday bangigii ugu horreeyay ee soo nooleeya adeeggan muhiimka u ah gancsatada soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM