Barlamanka DFS oo maanta ka doodaya xeerka doorashooyinka

Image

January 27, 2015 (GO)- Xildhibaanada Barlamanka Federaalka ayaa fadhigooda maanta uga doodi doona xeerarka doorashooyinka iyo awoodaha hanti dhowrka qaranka.

Labadan xeer ayaa horay golaha loo hor keenay iyagoo maraya akhrintii saddexaad. Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo la hadlay warbaahinta Dowlada Federaalka ayaa sheegay in laga yaabo isla maanta in Barlamanku labadaas xeer ansixiyo.

Guddoomiyaha Barlamanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa horay uga codsaday xildhibaanada in inta uu kalfadhigani socdo ay ansixiyaan xeerarka doorashooyinka iyo hantidhowrka qaranka.

Jawaari ayaa codsigiisa u sababeeyey in labada xeer yihiin kuwo muhiim u ah horumarka dalka iyo higsiga sanadka 2016.

Gudiyada Barlamanka u qaabilsan maaliyada iyo doorashooyinka ayaa muddooyinkii u dambeeyey ku mashquulsanaa turxaanbixinta xeerarkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo daaha ka qaadey labo qorshe uu isku dhinac waddo

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa labadan qorshe waxa uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa taariikhi ah.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:57AM

Dowlada Soomaaliya oo xayirtay akoonadii bangiyada ee Ururka SJS

SJS ayaa sheegtay in talaabadan ay ka dambeeyaan madaxda Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:38AM