Barlamanka Jubaland oo dooranaya Gudoomiye Barlaman

Image

KISMAYO, Aprl 28,2015 ( GO)- Wararka ka imaanaya magaalada Kismayo ayaa sheegaya in maanta magaaladaas ka socoto doorashada Gudoomiyaha Barlamanka Jubaland iyo ku-xigeenkiisa.

Ammaanka magaalada Kismayo aad ayaa loo adkeeyey, isgaarsinta ayaana la jaray waxaana adag in natiijada doorashada la ogaado xilli hore.

Xulista xubnaha Barlamankaan ayaa waxaa horey cabasho uga muujiyey qaar ka tirsan qabaa'illda daga Jubaland iyagoo ku eedyeey in maamulka faragalin ku sameeyey qaabka beeluhu kusoo xulayaan xubnaha meteli doona.

Beesha caalamka oo tageerta Somalia ayaa mamaulka Jubalaland qoraal ay soo saartey kaga dalbatey in la xaliyo khilaafaadka taagan.

Toban murashax oo u kala tartami doona xilalka guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeennada ayaa ka qayb gelaya doorashada.

 

Guddoomiyaha Barlamanka:

  1. Cabdi Axmed Qaasim.
  2. Fiidow Isaaq Ibraahim.
  3. Maxamed Cali Yuusuf.
  4. Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan.

Ku-xigeenka koowaad:

  1. Cabdikariim Cilmi Jaamac.
  2. Axmed Iftiin Maxamed.
  3. Aadan Khaliif Xaaji Yuusuf.
  4. Maxamed Daahir Cabdullaahi.

Ku-xigeenka labaad:

  1. Axmed Maxamed Abuukar.
  2. Cabdi Baaley Xusseen.

Warsidaha Garowe Online kala soco natiijada doorashdaas.

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM