​Barlamanka Somalia "Ma rabno in xitaa maalin naloogu daro"

Image

MUQDISHU- Ra'isal wasaaraha xukuumadda Somalia, ayaa maanta golaha shacabka hor geeyay hanaanka doorashada Somalia loo marayo 2016 isagoo u jeediyay khudbad uu kaga hadlay xaaladda dalka iyo waxqabadka xukuumadda.

Khudbadda uu jeeday cumar Cabdirashiid ayuu kaga codsaday Xildhibaannada inay ansixiyaan hanaankan oo uu sheegay in dan ugu jirto dowladda dhexe iyo dhammaan maamul goboleedyada waddanka.

“Waxaan ka codsanayaa Baarlamaanka, iyaga oo eegaya duruufaha ka jira dalka, waqtiga oo gabaabsi ah iyo howsha baaxadda leh ee dhiman in aad ansixisaan Hanaanka doorasho ee lagu keenay wada xaajood Siyaasadeed oo ku saleysnaa go’an wadar ogol ah oo ay qaateen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawlad Gobolleedyada Xubnaha ka ah,” Ayuu yiri Sharmake.

Gudoomiyaha Barlamanka ayaa khudbadda Ra'isal wasaaraha kadib hadalka qaatay, wuxuuna mudanayaasha ka codsaday inay soo akhristaan hannaankan loo soo gudbiyay, isagoo ka dalbaday in fadhi la isugu soo laabto maalinta Isniinta ee fooda nagu soo haysa.

Maxamed Sheekh Cusmaan "Jawaari", ayaa sidoo kale sheegay inay muhiim tahay labo bilood oo loogu daro Barlamanka Somalia, waxaana arrintaasi aad ugu soo horjeestay Xildhibaanada Somalia, iyagoo sheegay inaysan sharci ahayn waqti loogu daro mudanayaasha haatan jooga.

Qaar kamid ah mudanayaasha ayaa ku dooday in hadii waqti loogu daro Barlamanka, dowladda dhexena keenayso qorshe kale oo muddo kororsi ah.

Rabitaanka gudoomiyaha ayaa dhaliyay buuq iyo sawaxan ay sameeyeen golaha shacbiga Somalia, waxaana taasi keentay in kulanka lasoo xiro islamarkaana la qorsheeyo kulanka kale oo la isugu soo laabto 02 May, 2016.

Arrintan, ayaa kusoo aadaysa xilli Ra'isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid oo shalay ka qayb galay Barnaamij ka baxay SNTV iyo Radio Muqdishu ku shaaciyay in guddoonka Barlamanka kawada hadleen muddo dhan labo bilood oo loogu daro Xildhibaanada Somalia maadaama howsha hortaalla ay aad u badantahay.

Beesha Caalamka ayaa horay u diiday wax mudo kororsi ah oo dowladda haatan jirta samayso, maadaama ay awood u yeelan waayeen inay dalka gaarsiiyaan doorasho qof iyo cod ah, waxaana lagu dhaliilaa inay ku fashilantay hogaaminta Somalia iyo fulinta balanqaadyadii ay horay u samaysay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM