​Barlamanka Somalia oo ansixiyay Xeerka Isgaarsiinta dalka [Dhageyso]

Image

MUQDISHU, Somalia - Xildhibaanada Barlamanka Federaalka Somalia ayaa maanta meel-mariyay xeerka Isgaarsiinta dalka, kadib Kulan ay ku yeesheen xarunta gollaha Shacabka ee Muqdishu.

Kulankan lagu ansixiyay Sharcigan Isgaarsiinta, waxaa shir guddoominayay Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Barlamanka, Cabdi Wali Sheekh Ibraahim Muudey, iyadoo ay soo xadirtay 159 Xildhibaan...

Cod gacan taag ah ayay 158 Xildhibaan ugu codeeyeen, waxaana ka aamusay hal Xildhibaan oo kaliya.

Gudoomiye Muudeey ayaa ku dhawaaqay gaba-gabadii Shirka, in Xildhibaanada ay si aqlabiyad leh ku ansixiyeen Xeerkan cusub, oo ay kasoo shaqeeyeen gudiga Isgaarsiinta Barlamanka, oo wada-tashiyo la yeeshay dhinacyada ku shaqada leh.

Sharcigan oo ah midkii ugu daba dheeraa ee soo maraya Barlamanadii ugu dambeeyay ee dalka, ayaa Wasaarada Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada u gudbisay Gollaha Shacabka bishii July ee 2017.

Xeerkan wuxuu ku baaqayaa in la dhiso Hay’ad sharciyo u sameysa Isgaarsiinta dalka, oo hadda ay maamulaan shirkado si gaar ah loo leeyahay, oo aad uga macaashacay burburkii iyo dowlad la'aantii ka jirtay Somalia 25-kiii sano ee lasoo dhaafay.

Shirkadaha ayaa dhaqaalo fara badan ku bixiyay si aan sharcigan Isgaarsiinta loo ansixin intii ay shaqeynayeen Barlamanadii 7-aad, 8-aad, iyo 9-aad, ee dalka uu yeeshay, iyagoo ka baqayay inay gacanya u galaan dowladda.

Tan iyo sanadkii 2005 ayuu Xeerka Isgaariinta horyaallay Barlamanadii hore, taasina ay dadliil u tahay in Shirkadaha gaarka ay bixin jireen dhaqaalo ay uga hortagayeen ka hadalkiisa iyo meel-marintiisa.

Hase yeeshee, dadaallo xoog leh oo uu sameeyay Wasiirka Isgaarsiinta Eng Cabdi Canshuur ayaa lagu guuleystay in sharcigan la ansixiyo, isagoo noqday kii ugu horreeyay ee uu ansixiyo Baarlamaanka 10aad.

“Waxaan dareensannahay saameynta ballaaran ee ay isgaarsiintu ku leedahay dhaqaalaha iyo bulshadaba. Sharcigan wuxuu guul weyn u yahay isgaarsiinta iyo shacabka Soomaaliyeed guud ahaanba. Marar badan baa la isku dayay, laakiin laguma guuleysan. Guusha maanta waxay ku suurtogashay dadaal aan kala go’ lahayn oo madaxda Wasaaradda ku bixisay sharcigan 4tii bilood ee la soo dhaafay” ayuu yiri wasiir Cashuur. 

Ugu dambeyntii, Wasiirka ayaa xusay in Shaqada rasmiga ah hadda ay billaabaneyso, isagoo shacabka Soomaaliyeed iyo Xildhibaannadaba u xaqiijiyay in mas’uuliyiinta Wasaaradda iyo xukuumaddaba ay ka go’an tahay sidii loo soo celin lahaa Furaha 252 iyo Domain-ka SO ay ka faa’iideystaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, taasna aysan ka galeynin gorgortan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM