BC: Heshiiska doorashada wuxuu ka hooseeyaa yoolkii lagu taamayey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Daneeyeyaasha caalamka ee arrimaha Soomaaliya oo si aan toos ahayn u soo dhaweeyay heshiiska madaxda Soomaaliya ee doorashada 2020-21 ayaa sheegay in uu ka hooseeyo yoolkii la filayey.

War-saxaafadeed ay kasoo saareen heshiiska saacad kadib markii warsidaha Garowe Online uu baahiyey in ay ka aaminsan yihiin is-afgaradkaas ayay ku sheegeen in ay garawshan yihiin wada ogolkaas.

"Saaxiibada beesha caalamka* waxay garwaaqsanyihiin heshiiskii ay ku dhawaaqeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo shanta Madaxweyne Dowlad Goboleed ee Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah (DGXF), heshiiskaas oo la xiriira geedi-socodka doorashooyinka 2020/21," ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Waxay qirayaan in heshiiskan uu ka dhashay wadahadal ay Soomaali garwadeen ka tahay isla markaana ay Soomaali leedahay, kaas oo dhexmaray madaxda DFS iyo DGXF, waxayna saaxiibadu fahamsanyihiin in qaar ka mid ah faahfaahinta geedi-socodkii lagu heshiiyay aan weli la caddeynin, oo saamilley dheeraad ah lagala tashan karo".

Heshiiska ay kala saxiixdeen dowlada iyo maamulada ayaa dhigaya in coddeynta soo aadan noqoto mid ku saleysan Degaan Doorasho ay coddeyn doonan 101 ergo kana dhaceysa laba magaalo oo kamid ah maamulada.

"Saaxiibadu waxay iyagoo ka xun arkayaan in hanaanka la shaaciyay uu ka hooseeyo yoolkii Soomaaliyeed ee muddada dheer lagu taamayay ee ahaa cod-bixin toos ah oo lagu soo doorto xubnaha baarlamaanka ee wareeggan doorasho. Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in geedi-socodka doorasho ee 2020/21 uu noqoto mid xor ah, xalaal ah, daah-furan oo loo dhan yahay," ayay ku dareen.

Bayaanka ayaa lagu xusay: "Iyadoo la eegayo mustaqbalka, saaxiibada beesha caalamku waxay dhiirigelinayaan in horumar dhakhso ah laga gaaro dhismaha hay’adaha kale ee demoqoraadiyadda Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan guddiga adeegga garsoorka iyo guddiga xuquuqul insaanka, iyadoo ay barbar-socdaan dadaallada lagu horumarinayo dib-u-eegista Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah iyo in la xaqiijiyo dhowridda ballanqaadyada caalamiga ah ee khuseeya xuquuqul insaanka".

"Saaxiibadu waxay sidoo kale soo dhoweynayaan khariidad/tub ay la socdaan bartilmaameedyo qeexan, oo ay ku heshiiyaan madaxda siyaasadda Soomaaliya, si loo xaqiijiyo horumar demoqoraadiyadeed dhab ah/la taaban karo oo horay loogu sii socdo. Saaxiibada beesha caalamku waxay ugu baaqayaan madaxda DFS iyo DGXF inay sii wadaan kulamada joogtada ah iyagoo yeelanaya wadahadal iyo isu-tanaasul si wax looga qabto arrimaha degdegga ah ee hortabinta qaran leh, oo ay ka mid yihiin dib-u-habaynta amniga iyo dhaqaalaha iyo sidoo kale siyaasadda loo dhanyahay," ayaa lagu soo xiray qoraalka.

Mowqifka deeq-bixiyeyaasha oo u muuqda diidmo qayaxan ayaa kusoo hagaagaya xilli heshiiska aan wali la horgeyn baarlamaanka federaalka ah isla markaana maamulada iyo dowladda ay ku booriyeen in ay meelmariyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Dowladda oo howlgallo ka fuliyay aagga degmada Xarardheere

Howlgallada ayaa lagu dilay horjoogayaal ka tirsan kooxda AS.

  • Soomaliya

    18-03-2024

  • 05:15PM

Diyaaradda Egypt Air oo Duullimaad ka bilaabeysa Muqdisho

Egypt Air ayaa wafdi usoo dirtay Muqdisho si ay qiimeyn u sameeyaan.

  • Soomaliya

    18-03-2024

  • 02:28PM