Beesha Caalamka oo codsi la xiriira Covid-19 u dirtay DF iyo maamulada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Beesha Caalamka oo sheegtay in ay Soomaalida ku garab taagan tahay dhibaatada Coronavirus ayaa bogaadisey talaabooyinka ay illaa iyo haatan qaadey Dowladda dhexe.

Talaabooyinkaas oo qaarkood ay fuleen ayay ku qeexeen; wacyi-gelinta, karan-tiilka iyo kala fogaanshiyaha dadweynaha.

Faafitaanka Covid-19 ayay ku sifeeyeen "dhibaatooyin caalami ah oo timid xili aan la fileyn" isla markaana ka hortaggiisa ay u baahan tahay midnimo iyo wadashaqeyn buuxda oo la yeesho.

Iyaddoo la tixraaxayo baaqa xoghayaha guud ee UN-ka ee xabad-joojinta, maleeyshiyada Al-Shabaab ayay ku booriyeen in ay joojiso ficilada xagjirnimo iyo qarbudaada ah inta lala dagaalamayo caabuqa.

Xukuumadda Muqdisho iyo maamulada xubinta ka ah federaalka ayay ka codsadeen in ay xoojiyaan wadashaqeyntooda xakameynta cudurka isla markaana hogaamiyeyaasha ku shireen qaab online ah.

Dhanka kale, waxay soo dhaweeyeen dedaalada heerka gobol iyo midka qaaradeed oo ay durba bilaabeen urur goboleedka IGAD iyo Midowg Afrika kaas oo lagula tacaalayo fayruskaas safmareenka ah.

Maadaama uu xanuunka sababo saameyn dhaqaale, dadka u nugulna ay kamid yihiin barakacyaasha, mulkiileyaasha guryaha iyo mas'uuliyiinta ayaa lagu tartarsiiyey in aysan barakacin qaxootiga.

"Saaxiibada Caalamka oo soo dhaweynaya horumarka Qorshaha ka Jawaab-celinta COVID-19 ee Soomaaliya ayaa ka codsanaya dhammaan daneeyayaasha in ay taageeraan oo ay is-waafajistaan iskuna dubbariddaan kaalmadooda iyaddoo la eegayo arrimaha hor-tabinta leh," ayay sheegeen.

Ugu dambeyntii, dowlada ayay uga mahadceliyeen in ay suurtagelisay in ay sii socoto shaqada deeq-bixiyeyaasha, waxayna carabka ku adkeeyeen in ay kasii taageeri doonan saameynta ka dhalata Corona.

Hadalka Beesha Caalamka ayaa kusoo aadaya xili kiisaska laga helay dalka ay gaareen 21 isla markaana ay laba qof oo mas’uul uu ku jiro ay u dhinteen, wallow uu illaa iyo haatan kasoo kabtay hal muwaadin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM