Beesha Caalamka oo dhexdhexaadineysa DF iyo Jubbaland

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Saaxiibada caalamka ee Soomaaliya ayaa bilaabey dedaalo ay isugu soo dhaweynayan hogaanka Jubbaland iyo dowladda federaalka ah, sidda uu ogaadey warsidaha Garowe Online.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ogolaadey waanwaanta ay garwadeen ka tahay Beesha Caalamka, sidda ay mareega GO u sheegeen illo wareedyo aad loogu kalsoonaan karo oo ku dhow labadda dhinac.

Xogta ayaa intaasi ku dareysa in Beesha Caalamka ay khadka telefoonka kula hadleen madaxweyne Axmed Madoobe, kaasi oo dhankiisa aqbalay in loo kala dabqaado maamulkiisa iyo xukuumada Muqdisho.

Beesha Caalamka oo dooneysa in dhinacyadda ay is-afgarad gaaraan ayaa waxay isha ku haysaa xal loo helo arrimaha Amniga qaranka, Maaliyadda, qabyo tirka Dastuurka iyo Nooca doorashada sanadka 2020-ka.

Coddeynta oo aad isha loogu hayo ayaa waxaa aad loogu rajo weyn yahay in ay noqoto mid qof iyo cod.

Warbixinada ayaa tibaaxaya in Beesha Caalamka ay sidoo kale dooneyso in ismaandhaafka Villa Soomaaliya iyo Axmed Madoobe lasoo afmeero kahor caleema saarka madaxweynaha Jubbaland.

Munaasabadaasi oo la filayo in madax kala duwan ay kasoo muuqato ayaa waxaa loo muddeeyay in ay qabsoonto 26-ka bishan September, sidda uu shaaciyey Guddiga loo saarey qaban-qaabadeeda.

Dhinaca kale, warar xog ogaal ah ayaa ku waramaya in Axmed Madoobe uu wada xaajood kula jiro Cabdirashiid Xidig iyo Cabdinaasir Seeraar, wada hadalaasi oo lasoo warinayo in ay meel wanaagsan marayaan.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa markii dib loo doortey ku cel-celiyay dhowr jeer in ay ka go’an tahay xal waara oo laga gaaro tabashooyinka taagan iyo in uu miiska wada hadalka la fariisto mucaaradka.

Wasiirada maamulka Kismaayo ayaa todobaadkii hore waxay go’aamiyeen in wafdi uu horkacyo madaxweyne ku xigeenka koowaad, Maxamuud Sayid Aadan, loo diro gobolada Jubbaland, si loo dhameeyo cabashadaas.

Dedaalada ay Beesha Caalamka wado ayaa kusoo hagaagaya xili ay soo dhaweeyeen shirka dib u heshiisiinta Galmudug, kaasi oo ka socda Dhuusamareeb ayna ku baaqeen in uu noqdo mid loo dhan yahay.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo shirkaasi furay habeenimadii Khamiista ayaa Sabtida maanta ah ka degay Baydhabo, xarunta ku meel gaarka Koonfur Galbeed, socdaal ujeedkiisa lagu macneeyay dhagax-dhigida mashaariicyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM