Beesha caalamka oo ka welwelsan muranka siyaasadeed ee Somalia

Image

GAROWE Jan 19,2015 [GO]- Beesha caalamka oo tageero dhaqaale iyo mid ciidamo u fidisa dalka Somalia ayaa waxaa isa soo taraya welwelka ay ka qabaan muranka siyaasdeed ee u dhexeeya hay'adaha dowlada kadib markii dhowaan xildhibaanada Barlamanka Federaalka diideen iney codka kalsoonida ah siiyaan xukuumaddii Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashid soo dhisey.

Xildhibaanada dowlada Federaalka oo diidan xukuumada cusub ayaa la rumeysan yahay iney noqdeen kudlad siyaasdeed kuwaasoo dadka falanqeeya arrimaha Somalia rumeysan yihiin iney caqabad ku noqon karaan qorshaha madaxweyne Xasan Shiikh ee sanadka [2016].

Kudladaan siyaasdeed ayaa waxaa hurmuud u ah xildhibanadii aaminsana iney sharci daro aheyd mooshinkii laga keeney Ra'isal wasaarihii hore ee Somalia Cabdiweli Shiikh.

Dhinaca kale xukumadaan cusub ayaa xildhibanada diidan waxey ku doodayaan iney ku jiraan Wasiiradii iyo siyaasiyiintii saldhiga u ahaa khilaafkii siyaasdeed eee soo kala dhexgaley madaxweyne Xasan Shiikh iyo Ra'isal wasaarihii hore ee Somalia Cabdiweli Shiikh halka aragti kale qabto iney saluugsan yihiin mudanayashaan ineysan tiradii xilalkii loo baahnaa ka helin golaha Wasiirada ee cusub.

Siyaasi ku sugan Muqdisho ayaa yiri " Caqabada kowaad ee hortagaan in la helo xukuumad shaqeysa waxey tahay markii la ogolaadey in xildhibanada Barlamanka kamid noqan karaan golaha Wasiirada, taasoo dhalisay in mudanayashu raadiyaan sidii ay xubin uga noqon lahaayeen xukuumad cusub oo walba ee la soo dhiso halka dhinaca kale ka shaqeeyaan sidii loo riddi lahaa mid dhisan".

Xukuumadii Ra'isal wasare Cumar Cabdirashid  soo dhisey dhowaan ayaa garabka siyaasdeed oo diidanaa mooshinka lagu ridey Cabdiweli Shiikh waxay ka helaan tiro Wasiiro iyo ku-xigeeno ah balse sida la rumeysan yahay kuma aysan qancin.

Maxaa la gudboon Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashiid?

Ra'isal wasaraha DFS ayaa la filayaa inuu dhowaan bilaabo kulamo uu la qaadanayo dhinacayada siyasadeed ee Barlamanka dowlada Federalka kuwaasoo ku doodaya qodobo kala duwan oo la xiriira sidii xukuumada dambe u heli laheyd codka kalsoonida.

Waxaa jira fikir sheegaya in Ra'isal wasare Cumar Cabdirashid soo dhisi doono xukuumad ka kooban wajiyo cusub taasoo dhamanteed ka maqan yihiin Wasiiradii hore, si gabi ahaanba meesha looga saaro muranka Barlamanka Federalka ah. Halka fikirka kale qabo in la kordhiyo tirada wasiirada cusub ee kasoo galeysa xildhibaanada diidan in codka kalsoonida la siiyo xukuumada cusub.

Fikirkaan dambe ayaa waxaa uu wataa khatartiisa waxuuna abuuri kartaa qanacsanaan la'aan kale oo ka timaada xildhibanaada aan ku guuleysan iney xilalka ka helaan xukuumada dambe ee cusub iyaga oo markaas ka hor-imaan kara iney golaha soo galaan wasiiradii hore.

Ra'isal wasaaraha Somalia oo maraya tijaabadii ugu horeysay ee siyaasdeed tan iyo markii uu xilkaan loo magacaabey ayaa waxaa laga rabaa inuu dhinac ka qanciyo kooxda siyaasdeed ee madaxweyne Xasan Shiikh kuwaasoo u badan wasiiradii hore halka laga rabo inuu kalsooni ka helo xildhibanaada laga doonayo iney xasaanada siiyaan golohiisa wasiirada ee cusub.

Beesha caalamka oo dhowaan ka gaabsatey tageerada xukuumada cusub ee Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashid ayaa isha ku haysa isbadalka siyaasdeed ee Somalia iyagoo horey niyad jab uga muujiyey khilaafkii ragaadiyey in la helo dowlad Somaliyeed oo hirgalisa nidaamka Federaalka islamarkaana wadanka gaarsiisa doorashooyin xor ah.

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM