Beesha Caalamka oo loo diray baaq ku aadan doorashooyinka 2020-21

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xisbi siyaasadeedka Wadajir ayaa wuxuu ugu baaqay Beesha Caalamka in ay garab-siiyaan nooca doorasho ee Soomaalida ku heshiiso in ay ku galaan coddeynta loo qorsheeyay 2020-21.

Hadalka xisbigaan uu hogaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kusoo hagaagaya xilli maamulada waddanka ay isku raaceen in doorashada soo aadan aysan noqon karin qof iyo cod ah.

Dowlad goboleedyadda ayaa ku baaqay hanaan la isla ogol yahay oo ku timaada wadatashi kuna qabsoomi karta mudada ka hartay muddo xileedka hay'addaha dastuuriga ah ee dowlada federaalka.

Wadajir Party oo soo dhaweeyay go'aanka madaxda maamulada ku shiray Dhuusamareeb ayaa hogaanka dalka ku booriyay in ay taageeraan isla markaana ay qayb ka noqdaan xalka mar-xalada kala guurka.

"Waxaan ugu baaqeynaa Beesha Caalamka in ay garab-siiyaan nooca doorasho (model) ee Soomaalida ku heshiiyaan si dalka looga badbaadiyo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo xasilooni darro siyaasadeed," ayuu raaciyey.

Wakiilada saaxiibada caalamka ayaa lagu waramay in ay dhexdooda ka jirto kala qeybsanaan isla markaana qeybtooda ay muddo kordhin la raadinayaan hogaanka dowladda haatan jirta, wallow aad looga digay.

Ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa qiray in muddo kordhinta ay horseedi karto qalalaaso dastuuri ah, mid amni iyo xasilooni darro, isagoo adkeeyay in doorashadda aysan dib uga dhicin xilliga loo qorsheeyay.

Bayaanka xisbiga Wadajir

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM

Maxaa sababay in Uganda ku baaqdo in Ciidamada Midowga Afrika ka baxaan Soomaaliya?

Gen. Muhoozi wuxuu sheegay in uu maqlay in Maraykanku uu si qarsoodi ah wadahadallo ula galay Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:27AM