Beesha Caalamka oo bogaadisay heshiiska dhinacyadda Jubaland

Image

KISMAAYO, Jubaland – Saaxiibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay heshiiska ay dhowaan caasimadda waddanka Kenya ee Nairobi ku gaareen madaxweynaha Jubbaland iyo mucaaradkiisa.

Talaabadaas lagu soo afjaray khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay doorashadii August 2019 ka dhacay Kismaayo ayay tibaaxeen in uu horseedayo in la dhameeyo "kala qeyb-sanaantii ka dhalatay coddeynta".

Mowqifkooda ayay ku caddeeyeen war-saxaafadeed ay Talaadada maanta ah soo saareen kaasoo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha afka dheer ee Garowe Online.

"Natiijooyinka doorashooyinka lagu muransan yahay ee ka dhacay Jubaland iyo Dowladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka 18-kii bilood ee la soo dhaafay ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay hannaan doorasho oo la aamni karo oo ay Soomaalidu ku doortaan hogaamiyeyaashooda, iyagoo ku tashanaya Dastuurka Federaalka iyo Dastuurka dowladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka," ayay raaciyeen hadalkooda.

Daneeyayaasha ayaa ku tartarsiiyey saamileyda siyaasada Jubaland, bulshada qeybaheeda kala duwan iyo odayaasha dhaqanka in ay sii wadaan wadahadalada iyo dhaqan-gelinta heshiiskii 23-kii April.

Sidoo kale, waxay bogaadiyeen aragtida ay qaateen hogaanka Jubbaland oo ahaa in ay diyaar u yihiin miiska wadahadalka oo ay la fariistaan madaxda dowladda federaalka ee fadhigoodu yahay Muqdisho.

"Saaxiibada caalamka waxay ku boorinayaan maamulka Jubaland iyo hogaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay si nabad ah ku xalliyaan khilaafaadkooda iyada oo loo marayo wadahadal, iyo in la yareeyo xiisadaha ka sii socda gobolka Gedo," ayay soo jeediyeen.

Sidda ku xusan bayaanka, deeq-bixiyeyaasha ayaa diyaar u ah in ay kala shaqeeyaan Dowladda iyo Maamulada xalinta ismaandhaafka dhexdooda ah "si loo fuliyo danaha qaran ee hor-tabinta leh".

Dhanka kale, waxay soo dhaweeyeen dedaaladii ugu dambeeyay ee lagu soo gabagabeeyay khilaafyadda ka jiray Galmudug iyo Koonfur Galbeed, halkaas oo hogaamiyeyaasha la heshiiyeen mucaaradkooda.

"Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan Soomaalida in ay dhiirrigeliyaan midnimada iyo dib-u-heshiisiinta xili ay bilaabatay bisha barakeysan ee Ramadaan, iyada oo aaney kaliya soo food saarin khatarta aan horay loo arag ee ka dhalatay COVID-19 laakiin waliba khatarta joogtada ah ee argaggixisada," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka kasoo baxay Beesha Caalamka.

Heshiiska uu Axmed Madoobe la galay xubnaha mucaaradkiisa oo kala ahaa; Cabdirashiid Xidig iyo Cabdinaasir Seeraar waxaa kaalin fududeyn ah ka cayaaray Kenya iyo dowladda Puntland oo loo mahad-celiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM