Beesha Caalamka oo War ka soo saartay mideynta Galmudug

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Saaxiibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa si wadajir ah usoo dhaweeyay mideynta maamullada Ahlu Sunna iyo Galmudug, oo shalay lagu mideeyay munaasabad ka dhacday Dhuusamareeb.

War Saxaafadeed ay soo saareen QM, Midowga Africa, EU, IGAD, Djibouti, Ethiopia, Italy, Kenya, Netherland, Norway, Sweden, Turkey, Uganda, UK iyo Mareykanka ayaa lagu bogaadiyay dhamaystirka Heshiiska labada maamul.

Waxay ugu hambalyeeyay Madaxda Galmudug iyo Ahlu Sunna tallaabada ay u qaadeen dhanka dib u heshiisiinta iyo mideynta labada maamul taasi oo soo afjartay kala qeybsanaantii gobollada dhexe.

Beesha caalamka ayaa ugu baaqday Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle iyo Sheekh Maxamed Shaakir inay hergeliyaan Heshiiska awood-qeybsiga ah, oo dhigaya in la sameeyo Baarlamaan wadajir ah, Dastuur iyo ciidamo labada dhinac ka kooban, oo difaaca amniga shacabka iyo ku dhaqanka sharciga.

War Saxaafadeedka ayaa lagu booriyay dowladda Federaalka Soomaaliya inay sii wado taageeradeeda si loo hergeliyo heshiiska Galmudug, kaasi oo u nugul inuu jabo, hadii laga weecdo habraaca qodobadiisa.

Urur goboleedka IGAD ayaa looga mahadceliyay kaalinta uu ka qaatey wadahadalladii Ahlu Sunna iyo Galmudug ee ka kala dhacay Nairobi iyo Jabuuti, kuwaasi oo noqday miro-dhal Heshiis lagu gaarey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adda Sirdoonka oo sheegtay in sagaal dagaalyahan oo Al-Shabaab ah la dilay

Howlgalkii labaad ayaa ka dhacay agagaarka Tugaareey, halkaas oo maleeshiyaadku ku dhuumaaleysanayeen kayn.

  • Soomaliya

    04-04-2026

  • 03:07PM

Sarkaal Sare oo ka Tirsan Al-Shabaab oo Gacanta lagu Dhigay

Taliyaha Qaybta Koobaad ee AUSSOM, Jackson Kayanja, ayaa ku bogaadiyay ciidamada wadajirka ah guusha ay ka gaareen howlgalkan.

  • Soomaliya

    04-04-2026

  • 12:11PM