Beesha Caalamka oo warqad u dirtay Gudiga doorashadda Jubaland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaramada Midoobey iyo saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa ka digay in doorashadda Jubaland ay u dhacdo qaab daah-furnaan la’aan ah, iyagoo ugu baaqey maamulka Madaxweyne Axmed Madoobe iyo gudiga doorashooyinka inay hab-raac waafi ah u dejiyaan tartanka doorashada.

Warqad loo diray Gudiga doorashooyinka Jubaland August 8, 2018, ayuu wakiilka cusub ee Qaramada Midoobey, James Swan ku sheegay in ay su’aallo ka qabaan habka loo maareynayo soo xulista xildhibaanada iyo doorashada Madaxweynaha.

“Sidee Gudiga doorashooyinka u xaqiijin karaa in dhaman musharixiinta si siman uga wada qeybgali karaan tartanta,” ayaa lagu yiri warqadda.

Waxay sheegeen wakiiladda beesha caalamka ayaa ku baaqay doorasho nabdoon, oo xor iyo xalaal ah, sidoo kalena ku saleysan hanraac hufan ay ka dhacdo Jubaland bishan August.

Warqada James Swan ayaa la filayaa inay abuurto dood ku aadan kalsoonida lagu qabo gudiga doorashada Jubaland iyo inay Kismaayo ka dhaco doorasho natiijadeeda lagu wada qanci karo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa soo saartey war qoraal ah oo ay ku sheegtay inaysan aqoonsan doonin natiijada doorashadda Jubaland, hadii aan la raacin nidaamkii ay iyada u dejisay.

Waxay sheegtay Wasaaradda in odayaasha soo xulaya Xildhibaanada cusub inay noqdaan kuwa iyada diiwaan-gelisay, sidoo kalena baarlamaanka la dooranayo looga qaaban yahay markii uu gudoonkiisa doorto kadib inuu dhiso gudi ka shaqeeya qabsoomida doorashada Madaxweynaha Jubaland.

Si kastaba, Jubaland ayaa horey u diiday baaqa dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ay sheegtay in arrimaha doorashooyinka ay yihiin kuwa u gaar ah maamulkan, oo isaga kaliya go’aamin kara.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo Jubaland soo hogaaminayay tan iyo aas-aaskeeda 2013-kii, ayaa hadda kamid ah musharixiinta, isagoo raadinaya in mar 3aad xilka loo doorto.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay madaxda maamulada xilli ay xiisad jirto

Casuumaadan ayaa imaanaysa saacado kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in maamulada soo saarayaan bayaan wadajir ah.

  • Soomaliya

    17-04-2024

  • 04:28AM

Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha Soomaaliya oo xilka la wareegay

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Salah Jama ayaa goobjoog ahaa munaasabadan.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 12:07PM